WASIIR XUKUUMADDA SIILAANYO HORE UGA TIRSANAA OO DAAHA KA ROGGAY SIRO CULUS OO BULSHADA SHAKI KU ABUURAYA OO KU GADAAMAN SALDHIGA MILATARI SHEEGAYNA IN IMAARAATKU MAAMUL GOBOLEED AHAAN INOOLA MACAAMILAY

Tuhuno Badan Ayaa Jira Oo Warqadaasi Ku Qoran,Oo Muujinaya In Heshiiska Saldhiga Ay Kala Saxeexdeen Soomaaliya Iyo Imaaraatku,Waana Sababta Illaa Maanta La Inooga Qaraniyo”..Ex Wasiir Xuseen Axmed CaydiidWasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaalada Somaliland ee Xukuumadda Kulmiye Xuseen Axmed Caydiid ayaa soo foqay Siro Culus oo bulshada Somaliland shaki ku abuuraya oo ku gadaaman Saldhiga Milatari ee Dawladda Imaaraatka Carabta laga siiyay Magaaladda Berbera,Waxa uu sheegay in Sababta ay Xukuumadda Siilaanyo u qarinayso inay Heshiiskii dhabta ahaa soo bandhigto ay ka dambayso siro ku duugan Heshiiskaasi oo lidi ku ah Gooni iskutaaga Somaliland,Waxa uu sidoo kale sheegay in Heshiiskaasi lawada ogyahay inay kala saxeexdeen Dawladii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dawladda Imaaraatku oo inaga la inoola macaamilay Qaab maamul goboleed,oo la inaga laaluushay oo qudha Gacan ku hayta Dekeda Berbera.
Wasiirkii hore ee Cadaalada Xukuumadda Siilaanyo,Xuseen Axmed Caydiid oo hadda ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah WADDANI oo Shalay warbaahinta kula hadlay Afaafka hore Dhismaha Maxkamada sare ayaa waxa uu yidhi “Xisbiyadu Masuuliyadda ay leeyihiin waxa weeyaan inay Xukuumaddu talaaba kasta oo ay qaadayso illaaliyaan oo gaadh ka hayaan,oo umadda u bandhigaan Wixii ay ku gafeen iyo Wixii ay ka gaabiyeenba,Waxa Xisbiyadda Mucaaridka loogu baahan yahay waa waxaas,Waxa umadda loogu bandhigayo inay wax kala doortaan waa waxaasi,Arintaasi Saldhiga oo illaa maanta run ahaantii aynaan hayn Heshiis cad,oo Somaliland la saxeexatay Dawlada Imaaraatka,Tuhuno badanina ay jiraan Sida Warqadaasi ku qoran,oo Muujinaysa in Heshiiska Soomaaliya lala galay,oo waxan loo qaraniyo ee Heshiiskii loo keeni laayahay uu yahay waxaan inagaba inagu koobnayn eh inna dhaafsiisan,oo waxa la inagala hadlayaa uuni tahay Gacan ku haynta yar ee aynu Berbera Gacanta ku hayno,Sidii la inooga meel marsan lahaa uun weeyi laakiin cidda heshiiska lala galay Tuhunka ugu wayn uu yahay in Soomaaliya lala galay,Waa taas Saxaafadu Caalamku qorayso oo aan mid ahayn ee aan laba ahayn”.
Waxa kale oo uu yidhi“Waataad ka warhaysaan ee Hanti Dhawrihii guud ee Soomaaliya uu ka waramay ee uu yidhi Waxa saxeexay Xukuumaddii Meesha ka tagtay,Taasi dhibaatada ay leedahay marka ay Xukuumaddeenii inaga dhigayso Maamul Goboleed yar oo marka Xaggii sare heshiiska lagala heshiiyay inagana gacan ku haynta yar uun la inaga laaluushayo,horta inta lala dhuumanayaa waa intaasi,Haddii aanay taasi jirin,Xukuumaddu bilo ayay waxan waday,Bilahaasi ay waday Wax dhan ayay keeni lahayd,oo ay soo dhamaysatay oo leedahay waa heshiiskaasi, Qodobadiisii waa kaa,Hebel iyo Hebel ayaa saxeexay,Waxaasi ayay Xuquuq ku leenahay, Waxaasi ayaana waajib la inoogu leeyahay,Markaa taas maadaama oo aan lahayn, ta laqaadanayaa waxa weeyaan ta ay Koonfuri sheegaynayso ee ay leedahay Dadkii hore ayaa saxeexay,ee Jaraa’idkaasi iyo Warbixinta Caalamka oo dhami ay sheegayaan,in Arinta Soomaaliya lala galay”.
Ugu damayn waxa uu sheegay Xuseen Axmed Caydiid“Saamaynta uu leeyahay Saldhigaasi iyo saamaynta taban ee uu Umadda ku yeelan doono ee uu Xisbiga WADDANI ka soo diyaariyay Daraasada Cilmiyaysan ayay ahayd in lakala ilaaliyo Dadka iyo Daraasadaasi,Arintaasi oo uu Wasiirul dawlaha Arimaha Guduhu uu warqad ka soo saaray burinaysa Qawaaniinta dalka iyo Qaraar hore oo Maxkamadeed oo yaalay,Labadaba lid ku ah ayaad ka warhayseen oo xisbiga WADDANI lagaga xidhay Madashii uu ku soo bandhigi lahaa Cilmi baadhistaa,Ta maanta aanu ka dacwoonaynaa waxa weeyi, Waa cilmi baadhistaa la soo bandhigi lahaa ee ay iska hortaagtay Xukuumaddu iyadoo meel kaga dhacday,kuna gafaysa Dastuurkii iyo Qawaaniintii Axsaabta,mar dambe ayaanu keenay taasi waxaananu rajaynaa inuu ka soo bixi doono Qaraar Dimuqraadiyadda anfaca,Qaraar u hiiliya umadda iyo Caddaalada,Si xunna waan yeelayaa haddana waan qarsanayaa, intayda laga hadlana Ciddi yeeli mayso”. Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland Mr. Caydiid.