Wax ka baro Taarrikh Kooban oo ku saabsan Senator Roobleh Buraaleh.

Sideedaba taarrikhda waxaa lagu shabaha oo ay la mid tahay meelaha qaarkood sida qofka bani,aadamka ah maxaa yeelay qof kasta oo ku nool aduunka midabku doono ha lahaato diinto doonnó ha haysto qaraadu doono ha ku noolaado waxay leeyihiin oo ay ka siman yihiin magac iyo abtirsiin lagu soo haybsooco isagana u gaar ah.

Haddi qof dadka mid ah sida Xoolaha la garan waayo aabihii dhalay inta badan dadka aduunku waa shay ay ka xishoodaan gaar guud ahaan dadka muslimka ah gaar ahaana Soomaalida waa ceebta ceeb ugu wayn qof aan aabihii dhalay la garanayn waana cayda ay Soomaali isku caydo ta ugu xun oo ah(hebel waa wecel ama waa garac)

Sida daraadeed bay taarrikhuna leedahay abtirsiin lagu garto oo ah in ay tahay mid run ah oo jirtay ama mid been cad ah oo bilaa abtirsiin iyo bilaa raad ah oo aabe iyo hooyo midna lahayn oo la mid noqon karta ama lagu sheegi karo Taarrikh (wecel) gacan ku rimis ah.

Buraale Roobleh wuxuu ahaa Senatorkii ugu Horeeyey ee Soomaali-ciise ah ee ay yeelato Magaalada saylac sannadkii 1921-kii Senateur Buurale wuxuu ka mid ahaa ciidamaddi Ingriiska ee la odhan jiray Britisch camel Corps ee Soomaaliland ku sugnaan jiray.

Sida ku xusan book af-Ingriis ku qoran oo uu Qoray nin la odhan jiray;Major H.Rayne buugaa oo lagu magacaabo /Sun and Sund Somalis /

Buraale Rooble waxaa la soo wariyey oo uu caan ku ahaa ninkii Fransiiska iyo Ingriiska  ku kala furtaamiyey Qaruurada Coca cola ah sababto markii dagaalkii labaad ee aduunka laga soo laabtay ee ay France iyo Ingland oo markii hora laga adkaaday ay dib ugu laabteen dhulka Soomaali waxay Ingriis iyo Fransiis isku qabteen goobti ay ahayd xuduudi Cote francais des Somalie iyo tan Britisha Somaliland markay xaaladu jiq iyo jiq gaadhay waxaa soo kala dhex galay Senator Buurale oo wax ka ogaa dhul yaqana ahaa.

Sida la sheegey Buraale Rooble wuxuu halkay Xuduudu ahayd ku aasay Qaruurad wuxuuna Qaruurada ku dhex riday waraaq ay isla ogaayeen Fransiiska iyo Ingriisba waana meesha ay ku taal sohdinta Lowyacaddo.

Tafiirti Buurale Rooble Maanta ma jirto Qaarddaha aduunka Qaarad ay ka maqan yihiin inta ugu badna waxay ku nool dalka yihiin Djibouti iyo qaarada Yurub North Amerika iyo saylac intaba waxaana lagu qiyaasay ila dhowr boqol oo qof.

Nasiib daro ma jirto cid isku hawsha tarrikhda Buurale Rooble oo wax ka og sido kale ma jirto dawlad isku xilqaaday in ay maamuus u samayso dadkii dhulka ka soo talin jirey ee ay xita reer Yurub wax waydin jireen.

Masuuliyadda markay meesha ka baxday waxaa soo baxay dad sheegta wax sal iyo raad lahayn oo aan odhan karno wixii kor ku soo xusnay ee ceebta ahayd.

Isku soo wada duubo Buurale Rooble ma ahayn in qoraal yar oo kooban lagu sheego iyo sawirkiisa ee waxay ahayd in loo dhiso taalo laguna maamuuso goobaha dawlada ee magaalada saylac sida Iskuulada,dhakhtarada,masaajiida iyo wixii la mid ah.