XOG: DFS Oo Loo Tababarayo Basaasiin Caalami Ah.

Dawlada Feedaraalka Soomaaliya ayaa go’aansatay iney hesho basaasiin u shaqeeya qaab heer caalami ah, dibna usoo celiya karaamadii iyo sharaftii umadda Soomaaliyeed.

Xog ay heleen qaar ka mid ah wakaaladdaha  wararka ee Soomaalida ayaa waxay sheegeysaa in dowladda cusub ee Farmaajo ay codsi arrintaasi ku aadan u jeedisay dowladda Turkiga loona aqbalay.

Waxaa loo aqbalay in gudaha dalka loogu tababari doono basaasiin qaab casri ah u shaqeeya, loona diro dal walbo oo lagu tuhmayo in Soomaaliya dhibaato iyo faragalin siyaasadeed looga soo maleego.

Basaasiintaan hadda la tababari doono tiradooda waa lagu qiyaasay illaa 1,500, waxaana loo diri doonaa dalal dhowr ah sida Itoobiya, Kenya iyo kuwo kale.

Dowladda Maxamed Siyaad Barre wixii ka dambeeyay waxaa burburay sirdoonkii Soomaaliya, waxaana dalka uu galay marxalad burbur ah.