Maxaa Cabaad iyo cabasho u badalay Farxadii shalay?

Shalay markii ay dhacaysay wixii lagu sheegey doorashooyinka deganka ee maamulka Hargeysa dadkan maanta cabaaday waxay ahaayeen kuwi ku sheegey Magaalada Saylac in ay soo furteen oo ay xoreysteen sidii ay Saylac tahay magaalada barakaysan ee Qodus oo Yahuud laga xoreeyey ninka ku magacaaban madaxweyne ku xiggeen waxay ku sheegeen geesi-geesi dhalay oo Saylac ka soo riday cadow waa hore dhacay taas oo ay ula jeedeen beesha ciise.

Hadaba waxaa is waydin modan aaway geesigii Saylaci? ee Doorashadda iyo codadkii Beesha ciise badda saylac ku daray?

Maxay tahay Beer-laxawsiga maanta beesha ciise lagu beer-laxawsan ee looga Cabaadi Maamulka Hargeysa iyo dawladnimdeeda?