XOG DEG DEG: Masuul ka socda DF oo si diiran loogu soo dhaweeyay Hargeysa.
Waxa shalay garoonka Egal Intranational Airport ee Hargeysa ka degay Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga iyo warshadaha xukumadda Soomaaliya mudane Abdillahi Xayir Ducaale.
Ergeygan ayaa Markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa waxaa markiiba la wareegay wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo warbixinada la helayo ay sheegayaan in markii hore uu isagu casuumay, labadan masuul ayaana kasoo jeeda hal deegaan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in masuulkan ka socda dowlada dhexe ee Soomaaliya garoonka diyaaradaha looga saaray si xirfadaysan oo qarsoodiya waxaana lagu qaaday baabuurka khaaska ah ee wasiirka madaxtooyada Somaliland, waxaana xogguhu sheegeen in Qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ee Madaarka hawshaas fududeeyeen
Ergaygan ka Tirsan Dawlada Soomaaliya ayaa waxa la dejiyey oo uu haddana ku sugan yahay Aqalka wasiirka madaxtooyada oo ilaa Xalay ay ka socdaan wadahadalo aan kala go’o lahayn, waxana isla ku qulqulaayey Aqalka Wasiirka madax ka tirsan Somaliland kuwaasi oo tiroba la arkay dhowr xubnood oo ka mid ah Mus-danbeedka madaxtooyada,ku darsoo weliba markay aqalka gelayeen Qaab dhuumaalaysi & sanqadh tirasho ah u socday ,Go’yaal shaalana soo hulaabtay si aan wejiyadooda si fiican loogu arkin ama u muuqan.
Ergaygan ayaa ah shaqsigii ugu horeeyay ee ka tirsan xukumadda Soomaaliya oo isagoo xil haya ku soo dhiirada in uu galo Somaliland,si toosana uga soo dega Madaarka Hargeysa.
Maamulka Somaliland iyo xisbigeeda Kulmiye ayaa xisbiyada mucaaridka ku dhaliila in ay u jan jeedhaan xaga Somaliya,ha yeeshee waxa taas meesha ka saartay oo cadaatay inay Xukumada Siilanyo faraha kula jirto wixi ay mucaaridka ku dhaliili jireen, maadaama haatan ay madaxdii Soomaaliya ku casuumayaan deegaanadda Soomaaliya
Madaxweynaha DF Soomaaliya ayaa horey usheegay iney ka go’an tahay in wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland dib loo bilaabo six al loo gaadho