XOG-WARAN: Shaqsiyaad & Dowlado Soomaaliya ka wada arin halis ku ah qaranimada.

 

Wadamada Caalamka Iyo Shirkadaha Shidaalka Ee Doonaya Khayraadka Dalkeena in ay Gurtaan oo Boobaan Hadii Soomaalida Ay Ka Feejignaan Afka Ayey Ku Ridan Doonaan.

Sida la ogyahay wadan kasta oo caalamka ka jira qodobka ugu horreeya ee dastuurkiisa ku qoran waa horumarinta dantiisa gaarka ah, ma jiro wadan ka shaqeynaya dantaada haddii aysan dan ugu jirin, Tusaale: Ma ogtahay in dowladda Ethiopia ay tahay wadanka keliya ee safaaraddeedu ku dhex taal madaxtooyada soomaaliya. hada ogow waxa ay sidaa u sameyneysa waa si ay u ilaashato danaha ay ka leedahay soomaaliya fara gelinta joogtada ah ay ku haysana ay u sii jiri laheyd!.

• Ma ogtahay in shirkadaha shidaalka maamula ee caalamka in la yiraahdo “Seven sisters oil company” Todobada gabdhood ee walaalaha ah kuna shirkoobay saliida waxaana ay kala yihiin Exxon, Shell, British Petroleum, Mobil, Texaco, Gulf iyo Chevron.

Shirkadaha shidaalka waxay tartan u u galaan in ay soo saaraan ama maamulaan shidaalka wadankaaga, shirkaddii ku guuldareysata waxay ku fakartaa in ay dagaal ka dhex qarxiso shacuubta wadanka ama in lagu soo duulo, sida ka dhacday dalalka Ciraaq, Libya, Syria iyo Ukraine iyadoo la tuhunsan yahay in Soomaaliyana lug weyn ay ku leeyihiin shirkadahaas waaweyn degid la’aanta mudada dheer ka jirta.

Aqristoow dad badan oo soomaliyeed ayaa iyagoo awelba ka shakisnaa shirkadaha shidaalka iyo ku lug lahaanshiyahooda in ay boobaan khayraadka soomaaliya ayaa waxa ay is weeydiinayaan Maxay tahay ujeedka ay leedahay shirkada SOM OIL and GAS? oo goor dhaw la aasaasey iyo hungiriga ka haaya shidaalka ku jira soomaaliya iyadoo welina ujeedooyinkeeda aan si cad loogu sharxin ummadda soomaaliyeed …

• Ma ogtahay in sida shirkadaha shidaalka soo saara in dalkii ka hor yimaada danahooda guracan in ay balaayo ku kiciyaan sida Shirkadaha hubka sameeya oo kalena ay ku fakaraan ee ah in kolba wadan uu dagaal ka qarxo si ay suuq ugu helaan hubka iyo rasaasta ay soo saaraan…way fududahay inaad hesho qof ku siiya qoriga (AK47) iyo rasaas si aad isu difaacdo, laakiin way adag tahay inaad hesho qof ku siiyo cunto bilaash ah.

• Ma ogtahay in Heyadaha sirdoonka oo ku xiran shirkadaha dhaqaalaha badan leh ay ku fakaraan kuna dadaalaan in ay helaan xogta wadankaaga, iyagoo isticmaalaya maqal iyo muuqaal teknooloojiyada casriga ah.

• Ma ogtahay in Telefishanada iyo Idaacadaha waaweyn ee caalamka, ay in badan ka shaqeeyaan sawir khaldan in ay ka bixiyaan wadankaaga iyagoo u adeegaya dantooda gaarka ah kuwa shirkadaha waaweyn ama danta wadankooda, mase ogtahay in warbaahinta ugu waa wayn caalamka ee kala ah CNN, REUTERS,BBC, ALJAZEERA iyo kuwo kale oo badan, fadlan is waydii. Yaa leh? Maxay ka shaqeeyaan soomaaliyase maxay ka fidayaan?.

• Ma ogtahay in Heyadaha gargaarka oo ku xiran dawladaha waaweyn iyo shirkadahaas in,ay caawinaada ay keenaan xilliga barwaaqada uu ku jiro wadankaaga, xilliga abaarta waxay caalamka u diraan qaylo dhaan ah hala soo gaaro wadan hebel!…

Ugu dambayntii arimahaas aan soo sheegay oo dhan waxaa muhiim ah in soomaalida gaar ahaan Indheer garadkeeda ay ahaadaan kuwa fahmi karaya shirqoolada iyo siyaasadaha ay isticmaalaan shirkadaha caalamka ugu waaweyn iyo dawladaha garabka siiya ee danta ka leh dalkeena hooyo khayraadkiisa kuwaas oo doonaya iyagoo adeegsanaya madax soomaali ah oo laaluush ay siiyaan ka dib in iyagoo aan wado sharci ah aan u soo marin ay boobaan khayraadka ay leedahay soomaaliya.

Qalinkii: Abdirisak Awash