Maxaa ku hoos qarsoon banaanbaxa ka socda gobolka Salal,gaar ahaan M/da Saylac?

 

Dalka Soomaliland ma’aha dal cusub,ee waa dal jiray intay Somalidu jirtay.  Waxaa soo
gummaystay dalka uk.,wuxuuna ka xoroobay 1960-kii. Gobolaadda dalku waxa ay
ahaayeen kuwo ay beelaha dal degan,beel walba leedahay degaan gaaar ah,sida  beesha
Ciise oo degaankeedu  yahay Saylac oo markas la odhan jiray(District Saylac) oo degaa-
nadda laga xukumkumi jiray ahaayeen,Lughaya,Xariirad, Geersia,Ceelgaal,Karuure,
Cabdulkadir,Gargaar ,iyo degaanadda lixda ah ee hadda moronku ka jiro.
Bessha Gadabuursi degaankeedu wuxuu ahaa Borama, oo laga xukumi jiray,Dila iyo Boon.
Beesha Isaaq degaanadoodu waxa ay ahaayeen, District Hargeysa,  oo laga xukumi jiray
Gabiilay,Arabsiyo, Burco,Berbera,Sheekh,iyo kuwa kale. Beesha Dhulmahante degaanddoodu
wax ay ahaayeen Lascanood,Buhoodle, iyo kuwa kale.Beesha Warsangeli degaanadoodu waxa
ay ahaayeen,Ceerigaabo,Maydh,Lasqoray,iyo kuwa kale.
Dalka sidas aya loo kala deganan jiray,mana jiri jirin,degaan,beel gaarihii degto,oo beel kale
sheegato ama ku moronto.,sidasana loo kale deganan jiray ilaa ku dhawaaqi gooni-isku-taagi
somaliland,taasna waxa keentay caadifad qabiilnimo, iyo fikir siyaasadeed oo iska horkeeni
karfa  beelaha,waxaan tusaale loo soo qaadan kara, degmada Lughaya, ayaa lagu sheegay
inay  hadda ka tirsan tahay gobolka Borama,,su’aashuna wax ay tahay,sideebay suurtgal ku
noqon kara.
Waxa iska caaddo ah,in  beelaha somalidu, isla degaan,,sikastaba ha ku timaateye, oo ah
guurka ay kala guursanayaan,ama beel ka soo ahyaantay duroofo gaar ah,hase yeeshee,
taas micneheedu ma’ah degaankan waan  ku mormaya.
haddii aan u soo noqdo,bannaanbaxa ka socda gobolka Salal,gaar ahaan Saylac,waa mid
kala ujeedo ah,oo iska muuqda,waana ta  somalidu tidhiahdo,Badida nin kula doonaya oo
daala ka badan,oo haddana aan doonayn inaad hesho daayin ebidkaye.
Qore:Warsame