Sababta Bisha Labaad (February) Ee Sannadka Milaadigu Ay U Noqotay 28 Maalmood?(Warbixin Xiisa Badan)

Sida aynu ognahay bilaha Sabtembar, Noofambar, Abriil iyo Juun ee sannadka Miilaadiga ahi waxa ay ka kooban yihiin 30 maalmood, halka bilaha Diisambar, Jeenaweri, Maarso, Meey, Julaay, Ogosto iyo Oktoobar ay ku dhammaadaan 31 maalmood, waxa aana soo hadhaya oo keliya bisha Feebarweri oo iyadu dhammaan bilaha 11 ka ah ee aynu soo xusnay ka maalmo yar, sababtuna ay tahay qabow badan oo ay caan ku ahaan jirtay oo sababay in dadku ay wada nacaan, sida uu ku warramayo wargeyska Huffington oo qoray warbixintan uu Geeska Afrika akhristayaashiisa u soo turjumay.

Sida ku xusan taariikhdii Roomaaniyiinta, bisha Feebaweri mar dambe ayaa laga daba keenay bilaha oo lagu buuxiyey tirade sannadka, tusaale ahaan intii lagu jiray qarnigii Siddeedaad ee Miilaadiyada ka hor, waxa la adeegsan jiray sannad-tirsi lagu magacaabo Romulus, waxa aanu ka koobnaa 10 bilood oo sannadku ka nilowdo bisha Maarij oo ah xilliga gu’ga la fisho, waxa aana sannadka ugu dambaysay bisha Diisambar (Laba iyo Tobnaad) oo ma’ay jirin bilaha Jeenaweri (Koowaad) iyo Feebarweri (Labaad). Bilahaas oo maalmahoodu ahaayeen sida ay hadda yihiin marka laga reebo bilaha Ogosto iyo Diisambar oo markaas 30 maalmood la tirsan jiray halka hadda ay ka yihiin 31.

Marka tirada bilahaas la isug geeyo waxa uu sannadku noqonayey 304 maalmood, xilliga jiilaalkuna waxa uu ahaa xilli aan loo magac bixin, bilo u gaar ahna lagu sheegin, waayo cidi ma’ay jeclayn sheegistiisa iyo tirsigiisa midna, maadaama oo beeraleydu ay ahayd cidda ugu badan ee sannad-tirsigan raacda iyaguna aanay jiilaalka u arkayn in uu qiimo u leeyahay. Sidaa awgeed marka bisha Laba iyo Tobnaad ay dhammaato waxa uun la tirsan jiray 61 maalmood oo aan magac lahayn, oo marka qofka Roomaaniga ah ee taariikhda doonayaa uu qofka kale weydiiyo, “Bisha aynu ku jirnaa waa tuma? Uu ugu jawaabayey, “Bilba kuma jirno” oo ahayd jawaab sax ah.

Markii uu talada Roomaaniyiinta qabtay boqorkii la odhan jiray Numa Pomilius ayaa waxa uu keenay fikir ah in ay doqonniimo tahay in dadkiisu aay sannadka 61 bilood oo ka mid ah iska indho tiraan, sannadkii 713-kii Nebi Ciise dhalashadiisii ka hor, ayaa aanu soo rogay amarka ah in Sannad-tirsiga laga dhigo 12 jeer oo wareegga dayaxa ah, taas oo tirada guud ee sannadka ka dhigaysa 355 maalmood, waxa aanu soo kordhiyey labada bilood ee Jeenaweri iyo Feebarweri. Labadan bilood xagga dambe ayaa lagaga daray liiska bilahaas 10-ka ahaa ee soo jiray, taas oo macnaheedu yahay in sannadka bisha ugu dambaysaa ay noqonaysay bisha Feebarweri. Dhinaca kalana waxa uu boqorku wax ka beddelay tirada maalmihii bilaha oo bilaha Abriil, Juun, Ogosto, Sabtembar, Noofambar, Diisambar iyo Jeenaweri waxa uu ka dhigay 29 maalmood, bisha Feebarweri waxa uu ka dhigay 28 maalmood, afarta bilood ee soo hadhay sannadka oo ahaa Maarso, Meey, Julaay iyo Oktoobar waxa uu ka dhigay 31 maalmood.

Ceebaha ka soo baxay tirsigii cusbaa ee sannadka

Marka tirada maalmaha bilaha uu sameeyey boqor Numa Pomilius la isu geeyo waxa ay noqnayaan 355, taas oo marka wareegga qorraxda loo eego ay muuqanayso in ay maalmo weli sannadkii maqan yihiin, sidaa awgeed dhowr sano oo la tirsanayey kadib waxaa soo baxday in aanay xiiliyadii iyo bilihii isku beegmayn, oo tusaale ahaan ay dhacayso in jiilaalka ama gu’gu uu sannadba bil ku dhaco. Waxa muuqatay ceeb aan jirin markii laga boodayey 61 maalmood oo ah in dadkii garan waayaan bisha ay jiilaal ama gu’ iwm ugu hagaagayaan, si la isu waafajiyo ayaa laga fikiray, waxaa dhacday in dadkii Roomaaniyiinta ahaa ay sameeyeen bil macmal ah oo ka kooban 27 maalmood bishaas oo ay u bixiyeen maalintan dheeraadka ah, ayaa tirsigeeda ay bilaabi jireen marka la gaadho 24-ka Feebarweri, taas oo ahayd caddayn kale oo muujinaysa in aan weli bishii Feebarweri muhiimad la siinin. Waxaa iyaduna dhibaato noqotay bishan macmalka ah oo aan lahayn waqti lagu yaqaanno bilowgeeda iyo dhammaadkeeda, balse wadaadada Roomaaniyiinta uun laga sugi jiray in ay sannad kasta xaddidaan halka ay gelayso bisha dheeraadka ahi. Wadaadadii ayaa awooddan xaddidista bisha ee looga dambeeyey ka dhigtay awood dheeraad ah oo aakhirkii markii ay siyaasadda ku milmeen ay ka dhigteen awood siyaasi ah oo xukunka ay ugu dheereeyeen saaxiibbadooda xilka haya, madaxda ay diiddan yihiin ama cadowga u arkaanna waqtiga xukunkooda soo gaabiyaan.

Julius Caesar ayaa markii uu qabtay talada waxa uu ka soo horjeestay nidaamkaas tirsiga sannadka ee ay ku jirto bisha dheeraadka ahi, waxa aanu dib u habayn ku sameeyey sannadk-tirsigii, si uu isu waafajiyo qorraxda iyo tirsigan cusubna waxaa qasab noqotay in 46 sano oo ka horreeyey dhalashadii Nebi Ciise (CS) loo aqoonsado in sannadkiiba ahaa 445 maalmood. Qaysar oo qorraxda waafajiyey sannad-tirsigan cusub waxa uu ku daray tirsigii hore u jiray dhowr maalmood waxa aanu wadarta maalmaha sannadka ka dhigay 365 maalmood, waxa aanu bisha Feebarweri ku daayey 28 maalmood, laakiin waxa uu u soo raray bilowga sannadka. Taas oo ina tusaysa in Qaysar si la mid ah raggii ka horreeyey uu doorbidayo in bisha aanay beeraleydu jeclayn ee Feebarweri ay ayaamaheedu ka yaraadaan bilaha kale.

Waxaa iyaduna jirtay in Roomaaniyiintu ay aaminsanaan jireen in tirada dhabanka ah (Tirada isku buuxda / laba u qaybsami karta hadhaa la’aan) ay tahay tiro balo wadata oo aan fiicnayn, sidaa awgeed waxa uu boqor Numa isku dayey in sannadka oo dhan maalmihiisa uu ka dhigo tiro kisi, (Tiro dhiman/ aan laba u qaybsami karin hadhaa la’aan). Taas ayaana sababtay in marka tirada bilaha kale la isu geeyo ee loo eego tiradii sannadka loogu talogalay ay tirada u dhashay bisha Feebarweri noqoto 28.

Sababta Feebarweri marna 28 u noqoto marna 29:

Bisha Feebarweri waxa ay 28 noqotaa marka uu sannadka ay gashay yahay sannadka lagu tilmaamo sannadka booda, oo macnaheedu yahay in maalmaha sannadkaasi ay yihiin 366 halka ay caadi ahaan tirada maalmaha sannadku ka ahaan jireen 365 maalmood.

Sannadkan maalinta dheeraadka ah ee ku jirtaa waxa ay ka soo baxaysaa xisaabta tirada maalmaha uu dhulku ku wareego qorraxda oo sannad kasta ah 365 maalmood iyo maalin rubuceed. Maalin rubucaas oo la isku daray ayaa afartii sanaba mar noqonaya maalin buuxda, sidaa awgeed afartii sanaba mar ayaa uu sannadkii ahaan jiray 365 noqonayaa 365 maalmood waxa aana maalintaas lagu kordhiyaa bisha Feebarweri ee hore u ahayd 28 oo markaas noqonaysa in afartii sano ay mar 29 noqoto.