Ciida NIISTA ah ee la gurayo Dixda Bariisle ee gobolka salal!

 

Waxaa beryahan cabashooyin ka soo yeedhaysay shacabka ku dhaqan gobolka Salal, oo
ka cabanaya dhibaatooyinka ay ku hayaan baabuurta waa weyn ee iska-rogooyinka loo yaqan
ee ciida u daldalaya dalka Jabuuti,si guryo loo dhisto. Dadku waxa ay ku qaylinayaan in
laga joojiyo baabuurtas oo dhibaato u geystay degaankii,hase yeeshee,maamulka somaliland
uma jeedo,dhegana um lahaa, dhibaatadda ay baabuurtasi ku hayso dadka iyo degaanka,
oo waxa ay danaynayaan kaliya lacagta kasoo gasha.
Ninka aan gobolka u dhalan,ee gudomiyaha  ka ah gobolka, ee indhihiisa ku arkaya dhibaatadda
ka haysata dadka gobolka baabuurta,wuxuu ku doodaya inusan waxba ka ogayn  dhibaatadda
dadku sheegayaan,dawladdana dakhli kasoo galo ciida la gurayo.
Micnuhuna waxaa weeye,mar haddii,dakhli naga soo galayo, ciida loo gurayo Jabuuti, dad iyo
degaan waxba nagama galin.Ciidani waxa ay mid tahay,khayraadka gobolka ee haddana ayna
waxba kaga soo noqda gobolka. Madax -dhaqameedkoodii ayaana la dhegaysanayn waxa ay
ka cabanayaa,sidas darteed,ma jirto wax aad ka sugtaan maamulkaan haddeed.