Xog Cod:MD Farmaajo oo xil culus u magacabaayo Gabar oo dhalay Feysal Cali Waraabe oo hada kusugan.

 

Sida ay sheegayan warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Gabar oo dhalay Feysal Cali Waraabe loo magacaabi rabo safiirka soomaaliya ufadhida dalka kenya.

Gabadha ayaa lasheegaya in haatan kusugantahay magaalada muqdisho isla markaa dhawaan loo magacaabi doono xilka safiirnimo oo dhawaan baneeyay Amb Jamaal oo loo magacaabay wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee xukumada ra’isulwasaare Kheyre.

Xogtaan oo aan ka helnay ilo u dhow dhow xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa lasheegaya in labada todobaad ugu soo horeyse loo magacabi doono xilkaas waxaana lasheegaya in gabadhaas mudooyinkii ugu danbeyse kusugneyd magaalada muqdisho kana shaqeyneyse safaarada Ingiriiska ku leedahay magaalada muqdisho gaar ahaan xarunta Xalane.

Gabadhaan xilka loo magacaabi doono ayaa lasheegayaa in lagu magacaabo Leylo Feysal Cali Waraabe waxaana lasheegayaa in wadato dhalashada dalka Finland oo mudo farabadan halkaas ku noleyd ayada iyo qoyskeeda oo Feysal Waraabe kamidyahay.