Darkii dhaaftaye,ma dadkay cuni.

 

Waxaan ku bilaabaya,
Soomaalidu,markay ay xoolaha waraabinayso,markay arkaan Neef aad
u haraadan oo derderaya DARKA,waxa ay ugu heesaan Darkii dhaaftaye ma dadkay cuni,
iyo waad qaboobiye,qunyar soo soco
 
Waxaan uga golleehay,gobolka Selel,khayraadkiisi,bad iyo beriba,waa la dhamaystay ,waana
la dhoofiyey,ee waxaa hadhay oo kaliya shacabkii,waana in iyagana la dhoofiyo,mar haddii
wixi ay ku noolayeen iyo degaankii ay ku noolayeenba la wadda dhoofiyey.
 
Dadkan ilaahay ku beeray xeebta,waa dad  noloshu ku adag tahay, sideedaba,waayo, waxa
ay ku noolyihiin meel cimiladeedu aad iyo aad u kulushay,roobku ku yar yahay,abaaruhu isdaba-
joog yihiin,lahayn hay’ado shaqo laga raadsado, habayaraate wax gargaar ah ka helin  MSL.
Wixii dhalinyar ah ee awood u lahaa inay badda ka kaluunsadan,waa ay kasoo fadhaysteen
markay baddii buuxdhafiyeen maraakiib waa weyn oo jaraafaysa badda.
 
Inuu MSL ka fikiraynin  wixii shacabkiisa dhibaato u keenaya, ninka sheegtay inuu yahay
wasiirka macdanta,ayaa  isla soo taagay inuu isagu ruqsada ciida Bariisle bixiyey,isaga oo
aan ka fikirin dhibaatada hadda haysata dadka reer Selel iyo degaaankoodaba.
 
Waxaan la hadlaya dadka reer Selel,haddii degaankiino baabo,cid degaan idin siinaysa ma jirto
ee ilaashadda degaankiina,iyo baddiina aad ku noolaydeen waligiin.
Qore:Warsame