Wararkii Ugu Dambeeyay ee Qaraxii Muqdisho, Dhimashada oo badatay, Qaabka qaraxa uu udhacay.

 

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax xoogan oo maanta ka dhacay Maqaaxi kasoo horjeeda Wasaarada Amniga Guddaha Qaranka.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaadhi laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo la dhigay Afafka hore ee Maqaaxida.

Xiliga uu dhacaayay Qaraxa ayaa waxaa Maqaaxida ku sugnaa Ciidamo iyo dad shacab ah, waxaana inta badan Maqaaxida ku shaaha Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA iyo Wasaarada Amniga.

XAALADA HAATAN ee Maqaayada la qarxiyay

Afafka hore ee Maqaaxida ayaa waxaa iminka dhooban Dhaawacyo iyo Meydad u badan dadkii ku shaahaynayay goobta.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxa ayaa waxaa ku jiray Ciidamo qaad ka iibsanaayay meel ku dhow Maqaaxida oo lagu iibiyo qaadka.

Khasaaraha ka dhashay Qaraxa

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa la sheegayaa inuu aad ubadan yahay, waxaana la warinayaa in iala 7 ruux ay dhinteen.

Sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in dhaawaca uu gaarsiiisan yahay ilaa 12 ruux inkastoo tirada ay intaas ka badan karto.

Dadka ay waxyeelada kasoo gaartay Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku jiray Arday xiliga Qaraxa kasoo baxay Iskuul ku yaalla dhinaca Maqaaxida la Qarxiyay.

HOREY AYAA LOOGU DIGAY MAQAAYADA LA QARXIYAY

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa laga digaayay Maqaaxida uu Qaraxa ka dhacay, waxaana halkaasi kusii kordhaayay dadka u Shaah doonta.

Kooxda wax qarxisay ayaanan la ogeyn ilaa haatan meesha ay joogaan maadaama qaraxan uusan aheyn mid ismiidaamin ah.

Maxey dowlada katiri?

Wasiirka WARFAAFINTA DF Soomaaliya Cabdi Raxmaan Yariisow ayaa bogiisa Facebook soo dhigay in qasaaraha dhimasho ee weerarkaas uu yahay sedex ruux.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in la fashiliyay weerarkaas oo uu ku sheegay inuu ahaa mid lagu doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka.

MAXAA HAATAN SOCDA?

Ciidamo badan oo dowlada katirsan iyo masuuliyiin gobolka Banaadir ah ayaa ku sugan halka qaraxa uu ka dhacay iyagoo ka qeyb qaadanaya qaadida dhaawacyada.

Waxaa la filayaa iney halkaas saxaafada kula hadlaan inkastoo aysan hayn wax qabad rasmi ah oo looga hortagi karo falalka amaan xumo ee shacabka lagu laynayo.