Aaray igaar Ayaa fiijay.

Markaad aragtid ama aad maqashid wax,waxaad xasuusata,hal-ku-dheg aad soo maqashay,
waxaanan soo qadanaya,(aaray igaar ayaa fiijay),waxaa yidhahada,beel ka mid ah beelaha dega
gobolka Benadir ee Somalia,markay arkaan nin faanaya,hayeeshee,faankiisu una run ahayn.
Waxaan dhegaystay,arin sidas u eeg nin la soo fadhaystay,warbaahinta,isaga oo ku dhawaaqay
inuu isagu gacantiisa qof ahaan kusoo bedeli doono,maamulaha kastamka Lawyacade,oo u
ku sheegay inuu ka awood weyn yahay madaxweyne-ku-xigeenka Saylici.
Hadaba,su’aasha, habboon ee ah inuu ninkani ka jawaab,wax ay tahay,haddii ninkani ka awood
weyn yahay madaxweyne-ku-xigeenka, macnihii ma waxaa inaad adigu,madaxweyne-ku-xigeenka
ka awood weyn tahay baa,saw ma’ah oo kaliya arintiisu,wixii somalidu ku sheegi jireen ee ahaa
bilash-xayte?. Balse arkii doone waxa ay ku dambayso, waxaanse filaya arintiisu inay tahay un
barorotu orgiiga-ka, ee ay tahay uun ,inaad warbahinta uun isku muujinaysid dadka.
Gobolka Selel,wuxuu mashruuc, u noqday ninkastaba  oo sheegaya inu xildhibaan yahay laga
soo doortay  Saylac,ayada oo aysan jrin xildhibaano laga soo doortay  Saylac hayeeshee ujeedadoodu ay kaliya daaran tahay sidii dad gaar ah looga xorayn lahaa Saylac.,taasoo salka ku haysa  dhawaaqii  ka soo yeedhay kuwas markii doorashadii golaha degaanka Salyac ku dhammaatay sida  hadda u yahay.ee ahaa Saylac waa la xoreeyey,arintaas oo ka dhigan ninkii waranka ciida ku darbaday ee haddana geeraray.
Hadaba waxaan si adag ugu sheegayna kuwas aqal aadan adigu lahayn,ninka ku jira,adigu kama
saari kartid,waxaanan  uga goleehay,ninka aad leedahay,aniga ka bedelaya gobolka,meel aad
leedahay ma joogo.waana laga dawaday warbaahinta inaad ninkas aad adigu bedelaysid.
,Qore:Daljir