Daawo Sawir laga sameeyay Imaaraatka oo u soo jeesatay Dekadaha dalka & Siyaasiinta oo ku faraxsan

Daawo Sawir laga sameeyay Imaaraatka oo u soo jeesatay Dekadaha dalka & Siyaasiinta oo ku faraxsan

Inta badan shacabka Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku kacsanaan jiray hab dhaqanka iyo danta dowlada Itoobiya ka leedahay gudaha Soomaaliya balse iminka waxaa waji cusub la soo baxay dalka isku taga Imaaraatka Carabta .

Dowlada Imaaraatka Carabta oo caawin jirtay Shacabka Soomaaliyeed ayaa markaan waxeey u muuqataa inay Siyaasad ahaan ka daran tahay Itoobiya ka dib markii ay u soo jeesteen hantida Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Dekedaha iyo Garoomada Diyaaradaha .

Imaaraatka Carabta ayaa heshiisyo hoose la saxiixday Maamul goboleedyo dhoowr ah waxeeyna sidoo kale u balan qaadeen Qandaraasyo cusub si ay ugu soo wareejiyaan ilaha dhaqaalaha dalka IWM . Siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan ah kuwo u kala tartamaya Xaraashka cusub ee kaga imaanaya dowlada Imaaraatka waxaana iska cad in dalka Imaaraatka uu iminka isku badalay Itoobiyaan cusub .