Madaxweyne Farmaajo oo xil weyn udhiibi doona Mahad Abiib oo lagala noqday Sharciga Norwey.

 

Sida uu qorayo wargeyska Klassekampen iyo qeybo badan oo kamid ah warbaahinta Norway, Madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa rabo inuu xil diblimaasinimo ama lataliye u magacaabo Mahad Abiib oo dowlada Norway ay kala noqotay dhawaan sharcigiisa jinsiyada dhalashada Norway.

Wargeysa Klassekampen oo soo xiganayo Abuu-kaate Keyse Said Cartan oo ah gudoomiyaha xisbiga Tayo ee Norway, hadana ah la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya M.A Farmaajo (waa sida ku xusan Wargeyska Klassekampen), arinta magacaabista xilka Mahad ayaa ah mid si toos ah uga timid madaxweyna Soomaaliya.

“WAA RABITAANKA MADAXWEYNAHA IN MAHAD UU IMAADO SOOMAALIYA SIDA UGU DHAQSIYAHA BADAN. WAXAANA RABNAA INAAN KA CODSANAYO DOWLADA NORWAY, INAY MAHAD USOO SAARTO WARQADO(PASSPORT) SAFARKA”ayuu yidhi Abuukaataha.

Abuukaate Keyse ayaa sidoo kale raaciyay in safiirka Soomaaliya ee midowga Yurub, Amb. Said Ali Fiqi uu hada ku suganyahay magaalada Muqdisho, isla markaana uu arintan warbixinteeda hayo oo lagu wargaliyay.

Gudoomiyaha xisbiga Tayo ee Norway ayaa xili hore wargeyskaas u sheegay in Abiib uu mustaqbal ku leeyahay siyaasada Soomaaliya, isaga oo katirsan xisbiga TAYO oo ah xisbigada madaxweynaha Soomaaliya ee hada xilka hayo.

Safiirka Soomaaliya ee Yurub Amb. Said Ali Fiqi ayaa sidoo kale horey warbaahinta ugu sheegay inuu diyaar u yahay in Passport Soomaali ah uu usoo saaro Mahad Abiib, maadaama uu qirsanyahay inuu yahay muwaadin soomaali ah.

Laakiin si ay taas u dhacdo waa in Mahad uu marka hore passport-safar uu ka helo dowlada Norway, si uu u tago magaalada Brussels oo ah xarunta safaarada Soomaaliya ee EU-da.

Sida qorayo Wargeyska, Mahad ayaa shaley oo khamiis aheyd passport-safar ka codsaday dowlada Norway. Isaga oo sheegay inay Norway ay labo soo gasho.

“AMA XUQUUQDII DIB IIGU SOO CELIYA AMA SOOMAALIYA DIB IIGU CELIYA”.