Sawiro iyo Faafaahin Weerarkii ka Dhacay Badhtamaha Caasimada Sweden oo Gaadhi Xamuul ah loo adeegsaday.

 

Weerar loo adeegsaday gaadhi nuuca Xamuula qaado ah ayaa ka dhacay badhtamaha magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden, waxaana weerarkan ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku dhintay shan qof halka tiro kale waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dadkan si ula kac ah loo jiidhsiiyay baabuur weyn oo nuuca xamuulka qaado ah, waxa uuna weerarkan ka dhacay wadada Drottninggatan ee magaalada Stockholm..

Warbaahinta ayaa sidoo kale ku warameysa in goobta uu weerarku ka dhacay laga maqlay rasaas aan la ogeyn cida rideysa, ciidamada amaanka ayaan halkaasi kawada howlgal iyo baadhitaano ku aadan weerarkan.

Ra’iisal wasaaraha Sweden Stefan lofven ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan gaadhiga xamuulka loo adeegsaday, waxa uuna ku tilmaamay in weerarkaasi uu yahay fal argagaxiso oo ka dhan ah dowlada Sweden.

Weeraro badan oo loo adeegsaday gaadiid dad si ula kac ah loo jiidhsiiyay ayaa ka dhacay wadamo badan oo kuyaala Qaarada Yurub, sida Fransiisaka iyo Jarmaalka waxaana inta badan weeraradaasi sheegata in ay ka dambeeyeen Kooxda Daacish.