Ciidamada Itoobiya oo Xasuuq ka geysta Dhulka Soomaalida iyo Cadaalad la’aan haysata.

 

Ciidan si gaar ah u tababaran ayaa dilay 21 qof, tobanaan kalena xiray, bishii Juun 2016

(Nairobi, Abril 6, 2017) – Dowladda Itoobiya waxa ay ku guuldaraysatay in ay la xisaabtanto ciidan si gaar ah u tababaran, oo bishii Juun 2016 ugu yaraan 21 qof ku dilay deegaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaa sidaa maanta sheegtay Human Rights Watch. Dowladdu waa in ay si degdeg ah ugu ogolaataa koox kormeer oo madax bannaan oo caalami ah taasoo baaritaan ku samaysa dilalkaasi iyo tacaddiyada kale ee lagu eedeeyay ciidankaasi loo yaqaano Liyu boolis.

5-tii Juun 2016, askar ka tirsan Liyu boolis ayaa galay deegaanka Jaamac Dubad ee dhanka bari uga yaallaa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ka dib markii askari ka tirsan lagu dhaawacay muran dhexmaray ayaga iyo ganacsatada deegaanka. Askarta ayaa bilowday in si aan kala sooc lahayn ay rasaas ugu furaan dadka deegaanka, waxaana ay goobtaasi ku dileen ugu yaraan 14 nin iyo 7 dumar ah, ka dibna waxa ay boobeen dukaamada iyo guryaha halkaasi ku yaallay. Sagaal bilood ka dib, dadka ka badbaaday weerarkaasi ayaa sheegay in aanay ogeyn wax baaritaan ah oo lagu sameeyay dilalkaasi, isla markaana aanay helin wax magdhaw ah.

“Liyu boolis waxa ay dileen 21 qof oo deegaanka u dhashay, waxa ayna burburiyeen bulshada tabarta daran ee ku nool deegaankaasi, balse ma jirto calaamad muujinaysa in dowladda ay ka shaqayneyso sidii caddaalada loo horgeyn lahaa kuwa ka dambeeyay dilalkaasi,” ayuu yiri Felix Horne oo ah cilmi baare sare oo Human Rights Watch ka tirsan. “Dowladda Itoobiya waa in ay soo afjartaa ka danqasho la’aanteeda ku aaddan howlgalada ay ciidanka sida gaarka ah u tababaran dadka ku laayaan, waana in ay kormeerayaasha caalamiga ah kala shaqaysaa sidii ay u baari lahaayeen tacaddiyada ay galaan ciidankaasi.” ayuu intaa ku daray.

Dowladda Itoobiya ayaa sanadkii 2007 deegaanka Soomaalida u samaysay Liyu boolis (oo marka loo fasiro luuqada Amxaariga micnaheedu yahay ciidanka gaarka ah), xilligaasi oo uu meel adag marayay dagaalka u dhexeeya Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya iyo ciidamada Itoobiya. Ciidanka Liyu boolis ayaa sanadkii 2008 noqday mid ku caanbaxay la dagaallanka jabhaddaasi, waxaana xilligaasi madax u ahaa taliyihii ammaanka ee dowlad deegaanka, Cabdi Maxamuud Cumar oo dadka qaar ay u yaqaanaan “Cabdi Iley”. Cabdi Iley ayaa 2010-kii waxa uu noqday madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Liyu boolisna weli asaga ayay hoos yimaadaan.

Ciidanka Liyu boolis ayaa marar badan la sheegay in uu geystay dilal aan sharci ahayn, jirdil, kufsi iyo tacaddiyo ka dhan ah shacabka deegaanka Soomaalida, iyo in uu weerarro aargoosi ah kula kacay bulshooyinka maxalliga ah. Waxaa sidoo kale jira caddeymo sii badanaya oo muujinaya in ciidankan uu weerarro ka fuliyay meelo ka baxsan deegaanka Soomaalida, sida weerarro uu dabayaaqadi bishii Disembar ku qaaday deegaanka Oromiya iyo qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Intii u dhexeysay Disembar ilaa February 2017, ayaa Human Rights Watch waxa ay waraysatay 31 qof oo ah dad ku noolaa deegaanka Jaamac Dubad iyo dad ku sugan deegaanno ka agdhaw, oo ay ka mid yihiin 10 qof oo goobjoog u ahaa dilalkii 5-tii Juun dhacay, isla markaana usoo cararay deegaannada deriska la ah ee Somaliland.

Dadka ka badbaaday iyo kuwii goobjooga u ahaa weerarkii dhacay 5-tii Juun, ayaa sheegay in ciidanka Liyu boolis ay gawaari dhinacyada ka dhigeen deegaanka Jaamac Dubad, ka dibna gudaha u galeen ayagoo rasaas ku furay dadkii suuqa joogay, haween hor fadhiyay dukaamo iyo guryahooda, si toos ahna u bartilmaameedsanayay dadka isku dayay in ay baxsadaan. Goobjoogayaasha ayaa sheegay in aanay arag cid ka tirsan dadka deegaanka oo hub sidatay ama rasaas ugu jawaabtay ciidanka.

“Rasaasta ayaa dhinac kasta kasoo dhacaysay,” ayay tiri haweeney 40 jir ah, oo intaa ku dartay, “Waxaan kasoo baxay gurigeyga, waxaana arkay dad badan oo cararayay iyo askar dareeska ciidanka xiran oo rasaas rideysay…. anoo wata afarteyda canug ayaan guriga ka cararnay. Ciidanka Liyu boolisna rasaas ayuu nagu ridayay.” Waxa ay sheegtay in laba dumar ah oo daba ordayay ay ku qaylinayeen in ay rasaasta haleeshay.

Intii uu weerarka socday ayaa waxaa deegaankaasi ka qaxay dad badan oo ku noolaa. Maalintii xigtayna, ciidanka Liyu booliska ayaa dadka deegaanka u diiday in ay aasaan 21-ka qof ee halkaa ku dhintay. Dad goobjoogayaal ahaa ayaa u sheegay Human Rights Watch in markii ay kusoo laabteen deegaanka ay arkeen boob baahsan oo loo geystay dukaamada iyo guryaha halkaas ku yaalla, isla markaana laga dhacay raashin, lacag iyo waxyaabo kale.

Todobaadyadii xigay, ciidanka Liyu boolis ayaa deegaannada ku dhaw Jaamac Dubad ka sameeyay howgalo hub ka dhigis ah, waxaana ay xarig iyo garaac kula kaceen tobanaan ka tirsan dadka deegaannadaasi ku nool.

Tan iyo sanadkii 2007, dowladda Itoobiya ayaa adkeysay in weriyayaasha madaxa bannaan iyo kormeerayaasha xuquuqda aadanaha ay galaan deegaanka Soomaalida. Dowladda Itoobiya iyo maamulka deegaankuba waa in ay fududeeyaan sidii ay baarayaal xuquuqda aadaha ah oo madax bannaan, uuna ka mid yahay mas’uulka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dilalka sharciga ka baxsan, ay ugu kuurgali lahaayeen weerarkii Jaamac Dubad iyo tacaddiyada kale ee lagu eedeeyay Liyu boolis, ayay tiri Human Rights Watch. Dowladdu waa in ay sidoo kale degdeg magdhaw u siisaa dadka ku waxyeeloobay weerarkasi iyo ehelada dadkii halkaas lagu laayay.

“Weerarka uu ciidanka Liyu boolis ku dilay 21-ka qof ayaa qeyb ka ah tacaddiyo badan oo uu geystay balse aan lagula xisaabtamin,” ayuu yiri Horne oo intaa ku daray. “Xaddiga ay gaarsiisan yihiin tacaddiyada uu ciidankaasi geystay tobankii sano ee lasoo dhaafay, ayaa keenaysa in loo baahdo baaritaan caalami ah, waana in taageerayaasha caalamiga ah ee Itoobiya ay dowladdaasi ku cadaadiyaan sidii ay deegaanka Soomaalida ugu ogolaan lahayd baarayaal madax bannaan, si loo xaqiijiyo in aanay dad kale dhibaato kasoo gaarin ciidankaasi.”

Haddii aad dooneyso macluumaad dheeraad ah oo ku aaddan warbixinta Human Rights Watch, fadlan hoos eeg

Haddii aad dooneyso warbixinno dheeraad ah oo Human Rights Watch ay ka qortay Itoobiya, fadlan Booqo:

https://www.hrw.org/africa/ethiopia

Haddii aad dooneyso warbixinno dheeraad ah oo Human Rights Watch ay ka qortay tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, fadlan Booqo:

https://www.hrw.org/sites/default/files/reports/ethiopia0608_1.pdf