DULMIGA QARSOON EE KA JIRA GOOBAHA XIDHAN IYO DAYMO LA.AANTA XUKUUMADDA KULMIYE

 

 

 

Wararka aan ka heleyno deegaanka cabdi geedi ayaa sheegaya inuu deegaankaasi ka jiro tacadiyo qarsoon oo ay ku hayaan ciidan ay ku sheegeen ciidan beeleed huwan shaadhka dawlada oo ka kooban qabiil qudha oo lasoo soocey ujeedooyin gooniyana laga leeyahay
halkan ka akhriso

Sida kucad ciwankiisa waa maqal qaadadhigaya tacadiyada baahsan ee u kuhayo bulshada deegaanada doorashada kacaagan Taliyaha ciidan beeleedka deeganka cabdigeedi iyo fuguxsida ay kawarqabto bulshawaynta Somaliland deeganada ceelsheekh cabdigeedi ceelahelay damasha bildhaalay iyo hulka waa deegaano kaxayiran dhamaan waxyaalaha ay xaqa uleeyihiin degmoyinka iyo tuuloyinka somaliland sida caafimadka waxbarashada biyaha iyo dhamanba waxqabadka hayadaha dawladda taas oo ay sabab utahay in lagaxayiray degmada lughaya oo ay hore ugatirsanayeen waxay bulshawaynta somaliland sicad oo badhaxtiran u ogtahay in kadib markii lagu dhawaqay gooni isutaaga Somaliland aan habayaratee waxkabadal lagu samayn xuduudaha degmoyinka iyo gobolada somaliland hase ahaate waxaytahay xaqiiqda muuqata ee hadana carrabka lagadhawro in goobahan ay xukuumadu sicad ugu xidhay dalabkayimid beesha sacadmuuse oo ah beesha ugu tunka wayn beesha dhexe uguna awoodda badan dhaman hayadaha dawladda taas oo ay beeshu kudoonayso inay hoosgayso deeganadan casimadda hargaysa oo ay beeshu Deegan ahaan  sheegtan hadaba iyada oo ay jirto dhibaatada intaa leg ayay hadana xukumadda somaliland kudhiiratay inay gayso ciidan beeled si ay culays iyo cadaadis ugu saarto dadkii dhulka dagana oo iyagu marnaba aan raali kanoqonayn in deegaanadooda la hosgeeyo hargaysa ciidankan oo ah ciidan military ah taliyaha ciidankan oo lagu magacaabo timacade ayaa ah nin sacadmuuse ah habada dhibatada uciidankan militariga ahi kuhayo dadkan shacabka ah ayaanoqotay mid joogto ah ilaa waqtigii ay fadhiisinka kasamaysten deeganka cabdigeedi oo hada kudhawad muddo 3sano ah mr timacade aya bilaabay inu beesha badaraxan (ciise) ee degta deeganada 6goobod kulakaco falal arxandaro oo ay qabyaaladi dabada kariixayso sida xadhig, hadidaad, cagajuglayn iyo kucabudhin qori caaradii dadka rayidka ah waa falalka foosha xun ee u kuhayo timacade beesha badaraxan hadaba odayasha waxgaradka iyo siyaasiyinta aya mararbadan dacwad kagudbiyay ciidanbeeledkan qabyaladdu dabada kariixayso taas oo ay ugu danbaysay bishii labad ee sanadkan oo ay waxgaradka deegaanku lakulmeen dhaman hayadaha kushaqadale sida wasaradda amniga arimaha gudaha taliska guud ee ciidanka iyo madaxtooyada Somaliland taas oo ay odayashu sicad ugu sheegen hayadaha kushaqadaleh haddii sidagdag ah waxlooga qabanwayo arintan in aanay gacmaha dib ugalabandoonin taas oo horseedi karta in dagaal qabiil kabilawdo deegaanadan xaaladoodu murugsantahay hadaba xukumada iyo xisbiga talada haya ee kulmiye ayaa umuuqda mid aan dhagjalaq usiin codsiyada iyo dacwadaha habeenwalba soogadhaya xafisyada kushaqadale ee ay soo gudbinayan odayasha iyo waxgaradka deegaanka kaas oo kadhan ah ciidanbeeledkan xaalad abuurka ah sikastaba ha ahaatee todobad kahor aya waxa deganka cabdigeedi kadhacday in dad kamid dadkii deganka oo xoolo warabsanaya ay sooweraren koox ay iskubeelyihiin timacade oo iska soodhigay sidii dad shacaba oo ceelka xoolo kawarabinaya kadibna dagal lamafilaana kubilaabay dadkii ceelka xoolaha kawarabinayay halkaasna ay dhaawacyo kaladuwan gaadhsiiyeen dadkii xolodhaqatada ahaa waxayna kooxdaasi kubaxsaden markii dadkii tuuladu kusogurmaden xerada ciidanka timacade oo ah duledka magalada cabdigeedi hadaba waxa arintani aad ugaxumaaday kuna hanjabay inay ka aargoossandoonan ciidan beeledka sacadmuuse odayaasha aqoonyahanka dhalinyarta iyo qurbojooga badaraxan taasi ayaa bilaw u ah colaadi qarsoonayd ee ay ciidanbeeledku abuurayeen mudddada Seddexda sano ah.

La Soco Qeybaha Dambe Ee Dhacdadan

Xigasho Badacas