DEG-DEG: Bus Siday Ciyaartoyda Kooxda Borussia Dortmund Oo Qarax Lala Beegsaday Iyo Ciyaartoy Cisbitaalka Loola Cararay.

 

Kooxda Borussia Dortmund ayay dhibaato wayni ku dhacday saacad waqti ka yar ka hor waqtigii loo qorsheeyay in ay bilaabanto ciyaarta ay la yeelanaysay kooxda AS Monaco waxaana qarax lala beegsaday buskii siday ciyaartoyda kooxda ree Germany ee Borussia Dortmund.

Booliiska iyo kooxda Borussia Dortmund ayaa xaqiijiyay in qarax lala beegsaday baska kooxda intii ay ku soo socdeen garoonka Signal Iduna Parka waxayna wararka hordhacaya ahi sheegayaan in xidiga ree Spain ee Marc Barta cisbitaalka lagu sii wado kadib markii uu dhaawac soo gaadhay.

Qoraal kooban oo ay Dortmund barteeda twitterka soo dhigtay ayaa lagu yidhi: “Waxaa jirtay dhacdo markii uu baskeeno soo baxayay. Hal qof ayaa ku dhaawacmay. War dheeraad ah ayaa soo bixi doona’. Sidoo kale Booliiska Germany ayaa qoraal kooban oo uu isna soo saaray ku yidhi: “Goobta Dortmund waxaa ka dhacay qarax. Waxaanu xoog wayn ku joognaa goobta, makala cada goobtu. Fadlan waxaad sugtaan cadaynta rasmiga ah waxaanad ka baxdanaan wararka laysla dhex marayo. Aad noo taageera”.

War hadda soo dhacay ayaa dhanka kale sheegaya in dib loo dhigay waqtigii uu bilaami lahaa kulanka Borussia Dortmund iyo AS Monaco waxaana socda wada xaajood iyo shir looga hadlo haddii gabi ahaanba kulankan la kansalo iyo haddii ay suurtogal noqon karto in la ciyaaro. Ciyaartoyda kooxda Borussia Dortmund ayaa argagax lagu abuuray kadib markii qarax bomb lagula beegsaday buskii ay saarnaayeen markii uu u soo baxay kulankan.

Waxaa la xaqiijiyay in difaaca kooxda Borussia Dortmund iyo xulka qaranka Spain ee Marc Bartra uu dhaawac ka soo gaadhay qaraxan isla markaana cisbitaalka la dhigay. Wararka ayaa sheegaya in xaalada Marc Bartra ay fiican tahay isla markaana ay xalaadiisu degan tahay.

Wariye ree Spain ay ayaa soo qoray: “Barc Bartra wuu dhaawacmay, laakiin wuu fiican yahahay. Waxa uu soo gaadhay cisbtiaalka. isdajiya, waxaa gacanta ka dhaawacday quraarad/dhalo duulaysa”. Booliiska ayaa baadhitaano wada waxaana la sugayaa in ay war rasmi ah ka soo saaraan sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen iyo xaalada guud.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in uu qayb ka mid ah kuraastii buska Dortmund burburiyay balse aanu khasaaruhu u badnayd sida ay wax u dhaceen. Go’aanka in ciyaarta la kansalayo iyo in ay u socon doonto sidii loo qorsheeyya ayaa lagu waqti dhaw lagu dhawaaqi doonaa. isla qormadan ayaanu idiinku soo gudbin doonaa haddii uu kulanka socon doono iyo haddii la kansalaba.