Keating oo ku biiray wadahadalada Farmaajo iyo Imaaraatka Carabta (Sawiro)

 

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa gaadhay magaalada Dubai ee caasimada Imaaraatka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo iyo wasiirka arimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar ayaa magaaladaasi kula kulmay Micheal Keating, walow aan la ogeyn waxyaabaha ay ka wadahadleen.

Socdaalka Keating ee Dubai ayaa ka dambeeyay markii madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaadheen dalkaasi oo wadahadalo ay ugu socdaan wafdiga madaxweynaha iyo madaxda Imaaraatka.

Waa wakiilkii ugu horeeyay oo dal Carbeed ka daba taga madaxda ugu sareyso dalka Soomaaliya, walow aan la ogeyn sababaha iyo qorshaha uu ka leeyahay.

Waxaa horey u jiray cabasho dowladda Soomaaliya ay u gudbisay xafiiska Qaramada Midoobay iyo dowladda Sacuudiga taasi oo la xidhiidhay saldhiga meletari ee Imaaraatka uu ka dhisayo magaalada Berbere.

Keating ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraatka Carabta iyo madaxda Soomaaliya, waxaana loo malaynayaa inuu arimaha cabashada dowladda Soomaaliya iyo isku soo dhaweynta labada dal uu kala hadlay.