DEG AH: Kulankii DFS & Maamuladda oo meel xasaasi ah maraya & Farmaajo oo 5 qodob hordhigay.

 

Madaxtooyadda Muqdisho waxaa galabta ka furmay shirkii dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada kaas oo looga hadlayo qodobo dhowr ah.

Shirkan ayaa waxaa ku sugan madaxda maamulka Puntland, Jubbaland, Hiirshabeelle, K/Galbeed iyo Galmudug waxaana dhanka dowladda ma talaya madaxweyne Farmaajo, RW Xasan Cali Kheyre iyo Wasiiro ay kamid yihiin arimaha gudaha iyo gaashaandhiga.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulankan oo ah mid saxaafada loo diiday iney goob joog ka ahaato looga hadlayo ilaa dhowr qodobo.

Arimaha laga wada hadlayo waxaa kamid ah

1-In la adkeeyo xidhiidhka wada shaqeyn ee udhaxeeya DFS iyo maamulada

2-Arimaha mideynta ciidamada iyo maamulada.

3- Dhaqaalaha kasoo xerooda ilaha dhaqaalaha oo ay dowladu dooneyso iney gacanta ku dhigto.

4- In shirka London siyaasad mideysan lala tago.

5- In dowladda dhexe looga dambeeyo heshisiyada caalamiga ah.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu doonayo inuu ku qasbo maamulada iney qaataan soo jeedinta dowladda.

Laakiin Warar aan si hordhac ah uhelnay ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada ay diidan yihiin soo jeedinta dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, kulankan ayaa la filayaa in hadii ay natiijo kasoo baxdo saxaafada loo sheego ilaa caawa inkastoo hadii la isku afgaran waayo shirka waxyaabaha kasoo baxa dib loo dhigi doono.