DULMI DIIDOOW DULMI DOON HA NOQON

Sida tatarikhda ku xusan markii goboloda woqooyi ay xornimada qaateen 26/06/1960 qabiilka ISSAAQU waxay hormood ka noqdeen in ay midnimada soomaaliyeed raadiyaan sugaanna inta ay koonfur xornimo qaadanaysay oo ku beegnayd 01/07/1960

 

 

Sida tatarikhda ku xusan markii goboloda woqooyi ay xornimada qaateen 26/06/1960 qabiilka ISSAAQU waxay hormood ka noqdeen in ay midnimada soomaaliyeed raadiyaan sugaanna inta ay koonfur xornimo qaadanaysay oo ku beegnayd 01/07/1960 kadibna ay canlakii qaadaadaan ilaa iyo xamar iyadoo wax shuruud ah aan la galin halkaana ay ka dhalatay dawlad soomaaliyeed oo lagu midoobay.nasiib darro se waxa abaalkii loo galay reer woqooyi uu noqday in la dulmiyo in laga reebo horumarka xataa qofkii raba in uu guri quruxbadan dhisto in qasab lagaga dhigo in uu xamar ka dhisto.waxa laga maroorsaday maamulkii ninkii ka hadlana xabsiga ayaa loo taxaabay, waxaa lagula kacay cadaadis, dil ,iyo xadhig, taasi waxay keentay in dulmigaa iyo gumaysigaa qarsoon la dulqaadani waayo mar labaad beesha Isaaq waxay ka dhiidhiday dhibaatooyinkii lagu hayay oo waxay mar labaad hormood ka noqdeen dulmi diidkii oo waxay dagaal hubaysan ku qaadeen dawladii siad barre.
Markaa waxa dhacday in siad barre uu qaabaa’lkii ku noolaa woqooyi cuqaashooda iyo siyaasiyiintoodaba in uu u yeedho oo amar ku siiyo in dawlada laga gargaaro sidii loola dagaalami lahaa Jabhada SNM waxana amar lagu siiyay in ay dhalinyaro dagaalanta keenaan dhamaantood way aqbaleen waxan qabiilka ciise ka ayayn oo waligiiba dulmi diid ah waxay taageero buuxda siiyeen jabhadii SNM. Hadaba waxa aan in yar xasuusinayna maamulka soomaliland halgankii qaybta ciisuhu uu ku lahaa iyo sida loo ilaawbay ee xata wixii nolosha assasiga u ahaa aanay haysan.
1- Dawladii soomaaliyeed waxay gooni dooni ula shirtay qabaa’lkii ku noolaa woqooyiga iyadoo rabta in ay la kaashato si loo joojiyooo loona jabiyo jabhadii SNM oo dagaal hubaysan ku soo qaaday magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, ciise wuxuu ahaa qabiilka qudha ee si qayaxan u diiday dabayaaqadii sannadkii 1988 odayaashii ciise ee madaxwayne maxamad siyad barre xamar loogu geeyay waxaa ka mid ahaa cumar cisman yaabe,maxamad warsame shiil,cali duule, iyo aaden bile.odayaashaasi waxay ka cudurdaarteen in ay wax taageero
dawlada ku siiyaan sidii SNM loola dagaalami lahaa taasna waxay dawladu u aragtay in ciise la saftay SNM waxayna keentay in ciise siiyo SNM taageero buuxda haday tahay xag raashin,magangalin war uu soo ururin iyo wax walba oo lagu taageeri karo inaanan laga hagran.
Markay jabhadu xadhuunteeda u rartay magaalada diridhaba waxaa gacmo furan ku soo dhaweeyay beesha ciise ee daganayd Ethiopia oo ogaaskoodii ogass xasan xirsi Allaha u naxariiste amar ku siiyay in taageero buuxda loo fidiyo Jabhad SNM iyo dadka soo barakacay oo loo arkayay dad dulman.

2- Taas waxay keentay in ciise qayb ka noqdo dagaalkii hubaysnaa ee SNM
Waxaana ciidankii dawlada ka soo goostay kor: Cabdillahi Qayaad iyo Captain shide oo rag ciise ah oo ku soo biiray jabhadii SNM waxayna asaaseen guutadii ciidankii ciisaha ah ee ka dagal gashay xeebta galbeed oo lagu magacaabay guutadii sheikh muuse, waana tii xoraysay xeebta ee u suuro galisay SNM in ay xeebta galbeed oo dhan qabsadaan una fududaysay in woqooyi oo dhan la xoreeyo, goobaha ay ka dagaalantay guutada sheikh muse waxaa ka mid ah lawyacade, lughayay bariisle ceelgaal iyo meelo kale oo badan.(cabdillaahi xaaji taariikhda beesh ciise iyo snm).

3- Askar iyo saraakiil badan ayaa kaga dhintay ciisaha dagaaglkii lagu qaaday dawladii siad barre Waxaa ka mid ahaa: kor; cabdillaahi ,Maydhane abraar, ducaale ciiltrenuur shardi iyo qaar kaloo badan.

Waxa ka marag kacaya taageeradaa buuxda ee ciise siiyay ISSAAQ oo qayb walba lahayd gabayaagii waynaa Axmad Ismaaciil Diirie Qaasim oo ciisaha u soo tiriyay gabayo badan oo mahad naq ah waxaana ka mid ah

1. Ciisuhu xilkii waa guteen laysma xaasidoe
2. Xaggay naga xigeen nacabka way ka xakameeyene
3. Xoog iyo Adduun kalama hadhin xarakadeenniiye

4. Xidhiidhkaa tolnimadaa lehiyo xeerka Saadadae
5. Xigto niman lahayn cadawgu waa xubin wareemaaye
6. Xamdu mahad Isaaqoo dhanbay xiisa geliyeene

7. Xiis iyo Jaboutaysku xidhan xeebti dhererayde
8. (Xerudhalanku) feedha isa saar xawli dhiidhiyaye
9. Xammeetidii dhextiil labada reer xididka loo saarye

Rag badan oo ciise ah ayaa gabayo badan oo guubaabo u diray ISSAAQA iyo jjabhada SNM waxaa ka mid ah Cali cubeesh iyo Cali yaabe
Oo gabay dheer ugu deeqay wuxuu yidhi:

Ma og tahay Isaaqaad xasadi, kuma xatooyeyne
Adoo xiisaheed qaba miyuu, xurriyad kuu keenin
Calankaa xariirta ah miyuu, xamar ka soo taagin
Xeerbeegtidiisii miyey, xukunka kuu dhiibin
Miyey ka xarragoon way, xoogsan karayeene
Waqooyiga indhaha laga xidhaye, iilka ku xabaalan
Xildhibaannadeedii midnimo, kugula xaajooday
Xigmad laga tixraaciyo miyey, shanta u meel xaadhin
Xanjaad iyo miyey dhabar ka talin, lagu xasuusnaado
Xaal gobeed miyey kugu lahayn, xus iyo maamuus leh
Xurda gelidu saw gardarro, laga xishoon maaha
Sidigtii xulaadeed midnimo, loogu xilanaayey
Xaskii maashay oo xigatayoo, xoox yar laga waaye
Xeedhyaha karuur buuxiyaa, xag kastaba kaa yaalle
Xaasaanka weydoobayeed, wada xanfaaraysay
Xayndaabo inaad ula tagtaa, saw xadgudub maaha
Aakhiro xisaab baa jirtiyo, naarta xoogga lehe
Intaad xayga tahay baa dulmiga, layska xeeraaye
Nimaad xooluhuu kugu darsaday, ka xakamaynayso
Hadduu kugu xanaaquu warmaha, xawga ka caddeeyo
Wuxuu xeer u leeyahay inaad, u xaqdo weeyaane
Ul-xarbida inaad u lulushaa, saw xad gudub maaha
Hashii loo xarbiyey ee dagaal, lagu xalaaleeyey
Gaaweheeda xoorka leh markaad, ku xalus weynaatay
Kayma xays ku hooriyo raggii, xamilka soo daajay
Ee xerada soo tu’iyey baad, ka xinninaysaaye
Xamaasaha kacay iyo adaa, xuladdadaa shidaye
Xakamaha ku ruug wiil Isaaq, soo xamaan guraye
Markay maansooyinkii ciise tiriyay ay gaadheen abwaan axmad ismaaciil diirie (aun)

 

HALKANKALA SOCO QEYB LABAAD.

Salah Miguil.

Xigasho: Badacas