Reer Sitti Hurdoow Toos

Sidaan aan ka maqli jiray dadka ahluul Cilmiga ah qoom ama ummadi Markay  ku socoto meel ay eedi doonto mustaqbalkooga waxaa laga karta inta indheerka ama Hogganka u ah:

Aragtidooda,

Afkaartooda,

Aqoontooda,

Hindisoohoogga,

Hammigooga,

Hawraartooda,

Hummagooga,

Siyaasadooda,

Hormoodkaag,

Doodooda,

Damacoogga,

Sahankooga,

saadaashooda,

iyo wixii la mid.

Waxaan arkay oon ogaaday in ay rag badan oo aqoonyahan iyo siyaasiyiin sheegtay oo reer Sitti ah ay u gacan haatiyaan kacdoonka ay oromadda Ethiopia ku hayso dawalda Ethiopia oo ay arkaan in u yahay kacdoon ay Oromo ku rabto in ay dadka reer Ethiopia ee la guumaysto ugu ridaayaan xaqooga.

Hadaba ragga waawayn ee fikirka aamisan Maxay ka og yihiin ajendaha qarsoon ee ay Oromo ugu jirto siday dhamaan gobolka Sitti uga dhigi lahayn goobta ugu horeysa ee sida jiirka u liqi doonto!!!

Khariidada hor ka muuqada  waxay ka turjumi oo uu na tusin hammigga iyo Hindisaha Qarsoon ee Oromadda wuxuu kalo sidda dharaarta noo tusin Sida Gobolkii Sitti inti canfar lagu casuumay iyo dhamaantiiba looga dhigay dhul ay Oromo leedahay.

Waa yaabee maxaa Gobolka Sitti ay Oromo uga soo reebtay dhul weynaha kale ee ay Soomaalidu degto?

Bal is waydiyaa oo warsada hadaad Asxaab la tihiin qaar ka mid ah oromada la sheego in ay yihiin dad muslim ah oo aan walaalo nahay aaway Khariiraddi Gobolki Sitti?

Weerarda iyo Gulufka is daba-jooga ah ee ay Oromo ku hayso gobolka Sitti gaar magaalooyinka iyo Tuulooyinka Afdem,Biki, Mulu,iyo Mayso oo Horey loo siiyey inti ka soo hadhay iyo khariiradan waxay marag ma doon u tahay damaca qaawan ee Oromo ku rabto dhulkii Sitti.

Waxaa intaa dheer in waxaa lagu sheego ciidamada dawlada feedaraalka Ethiopia ay qayb ka yihiin hoosaasinta lagu hayo dhulka sitti.

Reer Sitti Hurdoow Toos!