Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday Dowladda dhexe & Maamuladda(Sawirro)

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Maanta shir Guddoomiyaay kulan wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen dowladda Feedaraalka iyo hogaamiyeyaasha Dowlad Gobaleedyada hoosyimaada Dowladda Feedaraalka Soomaaliya.

Shirka ayaa Waxaa Ka Qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Puntland Cawali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey.

Kulanka Ayaa looga arrinsanayaa sidoo loo Xoojin lahaa wadashaqeynta Dowladda Feedaraalka Iyo Dowlad Gobaleedyada iyo dardargalinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uu ku baaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabduulaahi Farmaajo.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in la dhisayo gudi ay ku mideysan yihiin maamuladda iyo dowladda dhexe kaas oo la sheegay inuu ka shaqeyn doono Arimaha amaanka.

Wasiirka Warfaafinta DFS Eng Yariisow ayaa sheegay in kulankan uu ku bilowday si wanaagsan isla markaana ay madaxdu raali ka wada yihiin in heshiis la gaadho.

Gunaanadka Shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobada ugu muhiimsan ee sida gaarka ay isugu afgartaan madaxda Dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada.