Wallee nin Hurdaw,Halawday danda.,Hadhawna din looma heli karo.

 

Hal-ku-dhegan,waxaa isticimaasha Soomaalida,markay arkaan dhaliil ku sabsan qof arrin
isaga khusaysay,si caajisnimo ku jirto uga seexday. Sidas waxaa ka dhigan dadka ka soo
jeeda Sitti(meelkasta ha deganadeene),oo mar hore iyo mar dambaba,ka seexday danahoodii
maantana degaanadoodii,sida lacagta loo qaybsaday,ama  hadda la rabo in la qaysado intii
hadhay.
Horay degaanno ka tirsanaan lahaa gobolka Sitti oo ahaa Afdem,Biki,Mulu,iyo Mayso, ayaa lagu
wareejiyey Qoomiyada Oromada gobolkooda. Markii labaad,degaano ka tirsanna gobolka Sitti, oo
kala ahaa,Cundhfo,  Gadhmalaw,iyo midda kale, oo la raaciyey degaanadda Cafarta,iyo hadda oo
Qoomaiyadda Oromadu olole ugu jirto inay degmooyinka kale kala wareegaan reer Sitti. Arrimahas
marka dhan walba laga eego,waxa la odhan kara inuu xidhiidh ka dhexeeyo waxyaabaha ka dhacaya
degaanadda beeshu ka degto degaanada beriga Lughaya.
Reer Sitti,waa lagu qadarin waayay,dhankooda ah muslim jacayl,somali jacayl,iyo nabad jacayl,iyo
dhawrida xeerkooda qadiimaga ah oo,dadka kale ku riixday inay beeshu tahay,mid la dhici karo
Gabagabadii iyo gunnaanadkii,reer Sitti,hurdada ha ka kacaan..
Qore:Daljir