Aftidii shacabka Turkiga oo uu ku guuleystey Madaxweyne Erdogan.

 

 

Ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga Binali Yildrim ayaa ku dhowaaqay in aftidii laga qaaday shacabka Turkiga ay guul ku dhamaatay waxana awooda loo gacan geliyay Madaxweyne Erdogan.
Binali Yildrim ayaa yidhi: ‘Habka Madaxtooyada ayaa ku guuleystay doorashada iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin natiijada rasmiga ah.

Isagoo la hadlayay dad gaadhaya saddex kun oo ruux kuna sugnaa xarunta xisbiga cadaalada iyo horumarka ee magaalada Ankara ayuu ku tilmaamay doorashada ra’iisal wasaare Yildrim”Waa go’aan ay dadku gaadheen,taariiqdeena dimuqraadiyadana bog cusub ayaa u furmay.”

Wakaalada wararka ee ay dowlada Turkigu maamusho ee Anadolu ayaa waxa ay sheegtay in 51.3 boqolkiiba ay u codeeyeen HAA halka 48.7 boqolkiiba ay u codeeyeen MAYA codadka la tiriyay oo gaadhaya 99 boqolkiiba.

Madaxweyne Erdogan ayaa soo dhoweeyay natiijada isagoo ku tilmaamay “Go’aan Taariiqi ah.”Aftidan ayaa haddii ay dhabowdo waxa ay siineysaa Madaxweyne Erdogan in uu xafiiska sii joogayo illaa laga gaadhayo sanadka 2029 mudaadas oo ay wadama reer galbeedka oo aad uga soo hor jeeday ku tilmmaameen madaxweyne daa,im ah.

Kala soco goor dhow faahfaahin dheeraad ah www.xeernews24.com