Paul Kagameega Dalka Rwanda oo booqasho labo maalmood ah uga bilaabatay Jabuuti.

 

 

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa booqasho qaadan doontaa labo maalmood uga bilaabatay dalka Jabuuti, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa Jabuuti.
Garoonka diyaaradaha Jabuuti ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Madaxweyne Kagame ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Marwadiisa, waxaana inta uu joogo kulamo la qaadan doonaa dhiggiisa Jabuuti.

Labada dal Jabuuti iyo Rwanda ayaa lagu wadaa inay kala saxiixdaan heshiisyo iskaashi ah, iyadoo xidhiidhka labada dal uu sii xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay.

Sanadkii hore Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho ku tagay Magaalada Kigali ee dalka Rwadan.

Rwanda ayaa dib u soo kabasho aad u weyn ka sameysay colaadihii sokeeye ee soo maray dalkaas, waxaana ay ka mid tahay dalalka Africa ee horumarada ballaadhan sameeyay 10-kii sano ee u dambeeyay.Rwanda waxay danayn in ay dekadaha Jabuuti wax kala soo degto sida la wada ogyahay jabuuti iyo Rwanda waxay ka wada tirsan yihiin ka sokow Ururka Midowga Afrika iyo kan Igad ururka beesha barwaaqa Sooraanka Comesa. Halka Jabuutina ay ku hanwayntaha in ay dalka Rwanda ka soo iibsato xagga dalagga beeraha oo ay jabuuti baahiwayn uu qabto.