Askari ka tirsan Ciidamada Jabuuti oo lagu dilay Buulo Burde.

 

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho maanta ka dhacday degmada Buulo Burde, kaasoo lagu dilay askari ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howl galka AMISOM.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in askariga lagu dilay badhamaha magaalada, goob lagu shaaho.

Wararka qaar ayaa intaa ku daraya in dhacdo ka horeysay dilka ay ka dhacday Suuqa Qaadka Buulo Burde, kaddib markii Haweeney Qaad ka ganacsata oo deyn ku laheyd askari Jabuutiyan ah ay shaadhka qabatay, iyadoo askariguna uu dharbaaxay haweeneyda.

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa ka cadhooday falkan, wuxuuna gacan ula tagay askarigii kale ee Jabuutiyaanka ahaa ee haweenayda dharbaaxay, waxaana intaas wixii ka dambeeyay ay sababtay xiisad soo kala dhex gashay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti.

Wararka kalee  ayaa sheegaya in askariga  Jabuutiyaanka ah la jidh dilay ka dibna u uu u yeedhay ciidamo kale, waxaana ay iyana jidh dileen askarigii ciidamada dawlada Soomaaliya ahaa ee horay u gacan qaaday askariga Jabuutiyaan.

Askariga Jabuutiyaanka ayaa markii dambe lagu dilay meel u dhow goob lagu shaaho, waxaana la ogeyn cida ka dambeysay dilka iyo hadii dhacdadan ay qeyb ka aheyd murankii iyo gacan ka hadalka dhex maray Askariga Jabuutiyaanka iyo midka Soomaaliga ahaa.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta magaalada Buulo Burde, iyadoo uu socdo howl gal lagu baadigoobayo askariga looga shakisan yahay inuu dilka ka dambeeyay, kaasoo la sheegayo inuu baxsaday.