Dhacdo taariikheed laga been sheego

 Waxaan inta badan maqlaa,afgembigii ay cidamaddii Somalia xukunka,xukula wareegeen sannadkii
1969kii,waxaa horseed ka ahaa,Moxamad Siyad Barre,oo ahaa markas   madaxa ciidamddii
xooga dalka Somalia(xds)arrintas oo ah mid runta  aad uga fog. Run ahaantii lama odhan karo
ma ogayn,hase yeeshee,isagu ficil ahaan ka mid ahayn kuwii fulinyay.
In ciidamdu xukunka dalka inay la wareegaan,,waxa ay ahayd arrin ay shacabku jeclaayeen, waqtigas ,waayo xukumaddii marka talada haysay,waxa lagu dhaliilayay.musq maasuq dalka
rogaadiyay waayo,xukumaddii marka dalada haysay,waxa lagu dhaliilayey,musq maasuq dalka rogaadiyey taasoo xitaa keentay in madaxweynihii dalka la dilo,todobaad ka hor intii uusan
afgembigu dhicin,waxaana la aasay 20kii,afgembiguna wuxuu dhacay 2i-dii bishii Oktobar 1969k; habeenkas bishu ahayd 21kii,waxaa shir u fadhiyay golihii dhexe ee xisbigii talada hayay ee SYL,
,waxaan laga shirayay ninkii loosoo xuli lahaa ee loo dooran lahaa jagadii madaxweynmo banaanatay markii la dilay madaxweynihii..
Sidii la sheegayay,Sareeys Gaas Moxamad Siyad Barre, sharkas ayuu ka qaybgalay,isaga oo si
xeeladii ku jirto islahaa,haddii afgembigu fashilmo,oo la qabqabto saraakiishii afgembiga waday,
inuu ku doodo anigu sharkan fadhiyay oo ma ogayn.
Afgembiga,waxaa saraakiil u hogaminayay Col..Salad Gavere Kadiye,,isaga ayuuna ahaa ninkii kaga
dhawaaqay súbaxnimadii Radio Mogadishu,inay ciidamadu la wareegeen dalka.Shirkii markii la
soo gabagabeeyey,iyada oo aan  wax heshiisa laga gaadhin,ninkii loo sharixi lahaa madaxweyne.
ayaa lagu kala dareeray saacdu markay ahayd 03:00,Moxamed Siyad Barrena,wuxuu iska tegay
xaruntii looga talineyey ciidanka,waxaana iskugu yimid dhammaan saraakiishii taliska iyo kuwii
fuliyey afgembiga oo u horkacayay Col.Salad Gavere,wuxuuna ka war-bixiyay inuu afgembigii
guulaystay.
Waxaa kale oo laisku afgartay in la sameeyo golihii  sare ee kacaanka(Suprem revulionary Concil)
lagana qaybgeliyo, rag badan oo saraakiil sarsare ahaa,oo iyagu ogaynba afgembiga dalka ka
dhacay,oo intii baabur loo diray guryohoodii laga soo qaaday subaxnimadii.Sidii la sheegay fadhigas
la iskugu tegay xarunta ciidanka,ma jirin qof loo doortay inuu madaxweyne ka noqodo SRC-da,
waana la kala tegay markii war-bixintii la dhegaystay,hase yeeshee, mar dambe umba la maqlay
inuu Moxamed Siyad Barre yahay madaxweynaha golaha sare ee kacaa´nka(SRC).arrintana waxa
ku qanci waayay rag ay mid ahayeen Col.Salad Gavere,iyo Sareeye Guuto Moxamed Caynanshe,
dhawr bilood kadibna,waxaa uun la maqlay afgembi la rido Moaxmad Siyad Barre ayay ababulayeen
oo la laayay,waxaana la isla dhexmari jiray inaysan jirin wax afgembi ahaa oo ay ababulayeen,ee
arrintu kaliya inay diidanayeen sidii Moxamad ku noqday madaxweynaha golah are ee Kacaanka.Waxan ulajeeda dadka aan xog-ogaal ahayn ee dhacdo taarikheedka beenta ka sheegaya.
Qore:Warsame