Ninkii Buulo Burde ku dilay Askarigii reer Jabuuti oo u tagay Al-Shabaab.

Wararka inaga soo gaadhaya Gobolka Hiiraana ayaa waxaa ay sheegayaan in Ninkii maalin ka hor degmada Buulo Burde ku dilay askarigii AMISOM gaar ahaan kuwa  Jubbuutti uu u baxsaday tuulada Halgan oo ay Maamulaan Al-shabaab.

shalay waxa degmada Buulo burde gaadhay wafdi uu hogaaminyo madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble si ay u qaboojiyaan xiisad ka dhalatay arintaan.

Ninkaan ayaa markii maalin ka hor dilay Askarigaan Jabuutiyaanka ah durba goobta ka baxsaday taasi oo keentay in kala shaki uu soo kala dhex galo labada ciidan ee dowlada Soomaaliya iyo kuwa Jabbuuti.

Saaraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ninka wax dilay uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowlada waxaase la is weydiinaya sababta keentay inuu u baxsado dhanka al-shabaab waxaase socda baadhitaan arintaan ku saabsan.

Markii ugu horeysay ee Askari ka tirsan ciidamadda Soomaaliya ay dilan Askari reer jabuuti iyadoo la ogyahay in cidamadda Soomaaliya ay gobolka Hiiraan joogi karayn jabuutiyaan la,aantood geestale ee dawlada jabuuti sidii caadada u ahayd lagama hayo wax war ah oo amuurtan ku saabsan.