Gole degaan oo ku soo baxay sifo qaladan,maxaa laga filayaa?

 

Somalidu waxaa halhays u leedahay  Alif horay u xumaaday Albakhra kuma tooso,waxaa
sidas ka dhigan golaha degaanka ee Saylac,waxaa lagu soo dhisay sifooyin qaldan,oo cid
waliba ogtahay,iyo kacdoonkii shacabka reer Saylac ka sameeyeen oo iyaga oo ka banan-
baxya arrintas,si badheedh ah rasaas nolnool ooda looga qaaday,kuwii ku dhintay, iyo
kuwii ku dhaawacmayna,haba yaraatee  cidi dib u eegin.
 
Hadda waxa ka socda golaha dhexdiisa,waxaa ka dambeeya kuwii markii horeba ka masuulka
ahaa inuu sidas ku soo boxo. oo dhano gaar ah kal leh inusan shaqo qaban,aan ahayn siqabqabsi
dhexdooda. Maamulku wuu ogyahay wuun ka warqaba shaqsiyadkas,has yeeshee,kuma dhici karan
in runta loo sheego,si ay faraha ugla baxaan golaha.
 
Golaha degaanka ee Saylac,wuxuu noqday mid lagu kambayn karo, oo lagu faano oo la yidhahdo
anigu sida aan rabo ayaan ka yeeli kara. qofkii aan rabo ayaan gudomiye ka dhigi kara,kii aan rabina
xita haddii iyagu dhexdooda isdoortana,waan diid kara.,oo golahaba ma gali karaan. oo askarban
ku amraya inaysan gali.
 
Aduunyadda ma jiro sharci u diidaya inuu gudigu dhexdiisa iska doortaan,qofkii ay u arkaan inuu
wax qaban karo. Sidas darteed,waxaan kula talinayaa in ayna u jixinjixin kuwas dhana gaarka ah
wadta ee qasaya hawshooda.
 
Qore;Daljir