Gobol kobol kale lagu siidkay,nin kaliyana hadyad loo siiyay

 

Ilaa iyo markay  labadii gobol ee Soomaliland protectrate iyo Soomaalida konfureed ka xoroobeen
dalalki gumaysan jiray ee Bratain iyo Italiya xukumadidhii soo maray  laga soo biulaabo 1960-kii,
xukumad walba.waxaba lagu xasuusta,inkasta oo wax wanaag ahaa oo lagu xasuusan karaaba.,
aysanba jirin.
.
Haddii aan gaar ahaa u soo qaato,maamulka somaliland ee 1991-kii ku dhawaaqay in ay ka go’een
Somalia,inkasta oo dad badani ku doodayaan,inaan go’iitaanga loo marin dariiq sax’a,wuxuu la yimid
waxyaabo aan xukumadihii soo maray dalka ku talaabsan,oo ah  inay gobol gobol kale lagu sidko,
sida gobolka Salal,oo lagu sidkay gobolka Borama ee dad hadda ugu yeedhan  G.Awdal.,nin kasoo
jeeda gobolkasna loo siiyay hadyad,loona ogolyahay inuu wixii u rabo ka sameeyo. Xoolaha ishinka
(Lo’da iyo geela) ayaa la Sidka,ee waa kow gobol gobol kale lagu sidko.,arrintasi waxa ka dhashayna
ee hadda ka jiran gobolkan,waa loo wada jeeda.
Beesha degan gobolka Salal,waxaa ku xidhan DABAR, loogu xidhany ninkas,waxaana DABARKA ugu
xidhay beesha dhexe ee mamulka ka modax ah.,waana arrin u baahan in laga jawaabo,sobobta.
Dhibaatada ay u keentay gobolka sidgiinimadu,waxa ka mid ah,wixii gobolku xag u lahaa,sida
muxkamadihii, xafiisyadii lamaha maamulka oo dhan,oo an ka jirin gobolka,marka laga reebo kuwa
canshuurta lagu qaado.
Gobolku waa gobol u baahan in loo feejignaado drufiisa gaarka ah,oo ay ka mid yihiin cimiladda
oo waqtiga kulku gaadho 45-50 garaado, waqtigasoo ceelasha biyaha laga acabana mooratooda
biyaha soo  saaro hawlgab noqdan,haddii aanan  loo sii diyaarin qalabkii lagu dayctiri lahaa.dad iyo
duunyaba haraad u go’aan. Gobolkan oo ah gobolka  dakhli badani kasoo galo maamulka,haddana
aan wax horumar ah laga hirgelinin. Gobolku waa inuu yeeshaa xaquuqda u xaq u leeyahay..
,Qore;Daljir