Shakii ka jira shirka London Som/dia lagu qabanayo.

 

Shakii isa soo taraya ayaa ka  jira shirka  Soomaalida loogu qabanayo magaaladda London ee
Caasimadda UK.bishan soo socota  ee May 2017ka dhawr iyo tobankeedda. Gudiga golaha
wakiiladda dawladda Feederaalka ah,u qaabilsan dhifaca,ayaa shakii weyn ka muujiyey shirkas
oo la sheegayo in la doonayo in lagu sanduleeyo Soomaalia inaysan dhisan karin ciidan ka badan
18.000.kuwasoo dawlad goboleedyadda gobol walba laga soo qoro 3.000.
Fikradda caynkas, maaha mid cusub,ee waa mid soo jireen ahayd,laga soo bilaabo,1960-kii
markii,Soomaalia ka xorowday gumaysigii,taasoo ku salaysnayd, in haddii ciidan tiro badan oo
xoogle loo dhiso Soomaalia inay qatar ku tahay dalka jaarka ah,oo gumaysta gobolo Soomaaliyeed.
Arrintas waxaa dheg u dhigi waayay,dawladihii soo maray Soomaalia,oo  ciidan xoogle dhisay,
gargaarna ka helay midawgii Ruuska sidii loo dhisi lahaa.
Dalka Great Britain,waa dalkii dalka Soomaalia u kala qaybiyay shan gobol,oo Itoobiya iyo Kenyana
siiyey goboladda Soomaaliyeed ee ilaa hadda gumaystan.,lagamana filayo inay maanta  ku taliyaan
in Soomaalia loo dhiso ciidan xoogle, shirkasna Kenya iyo Itoobia samayn weyn ayay ku leeyihiin.
Ciidanka xoogga dal Soomaaliyeed(cxds),ee hadda jira,waxa lagu  qiyaasay ilaa 2.000,hase ahaatee,
aan haysan hub ku filan oo ay kula dagaalamaan Argiigiixsada. Sidas dareteed,micnuhu ma waxaa
in qaar ka mid ah ciidanka hadda jooga la ruqseeyo,oo laga soo reebo kaliya 18.000.
Gabagabadii iyo gunnaadkii, DFS,waa inay  ka feejignaato arrintas, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed
waa inuu ka madax bananaado dowlad goboleedyadda,oo waa inuu hoostaga kaliya wasiirka
gashaandhiga.
Qore;Warsame