Waa qaybtii labaad shakii ka jira shirka London loogu qabanayo Soomaalia.

 

Waxaa soo baxaya warar sheegaya,in shirkii usbuuc ka hor yeesheen madaxda dawladda
federaalka ah iyo madaxda dawlad goboleedyadu ee ka dhacay Mogadishu,lagu heshiiyay
in tiradda ciidanka xoogga dalka somaliyeed,ee la rabo in la dhiso ka badanaanin 18,000,
arrintasna lala tagii doono shirka London ka dhici doona.
Ulajeedadda ah in ciidan qaran dalka loo dhiso,si ay u beddelan ciidamadda nabad-ilaalinta ah
hadda ku sugan Somalia,tiradoodana  lagu qiiyaaay in ka badan 22.000 oo ilaa hadda ka’aadkan
la  dagaalamayaasha ururka al shabab. Waxa la odrosayaa inay ciidamadda Amisom dalka ka
bixi doonan sinadaha dhaw.
Ciidanka xoogga dalka ee hadda jira waxaa lagu sheega inay dhanyihiin ilaa 20.000,haseyeeshee,
ayna haysan dhamaan daryeelkii ay u baahnayeen oo dhammaystiran. Al shabab waxaa ka’adkaan
lahaa ciidanka xoogga dalka oo tiradiisa la gaadhisiyo 25-30.000 oo qalabaysan dhinackasta.
waayo, dalka ayay aqoon u leeyihiin. Amisom waxa ay dalka joogaan in ka badan 6 sano,walina
guul dhammaystiran kama gaadhin al shabab.
Qore:Warsame