Wadaad caan ah oo ay nafta ka baxday asagoo Akhrinayo Quraanka Kariimka ah +Video

 

 

Sheekha dunida ugu caansan marka la yiraahdo akhriska qur’aanka kariimka ee u dhashay dalka Indonesia ayaa geeriyooday xili uu akhrinayay aayaatka quraanka kariimka, wuxuuna afka ku hayay suuratul Al Mulk ilaa ay ay nafta ka baxdo.
Sheikh Ja’afar Abdulrahman ayaa ka mid ahaa culumada ugu horeysa caalamka qur’aan akhriska, wuxuuna illaahey waafajisay wanaag xili uu akhrinayay Suuratul Mulk ama Tabaarak oo ah suurad ka hadleyso sababta illaahey u abuuray insaanka iyo abaal marinta marka uu aakhiro u dhaadhaco iyo in Illaahey abuuray geerida iyo noloshaba.

Sheekha ayaa inta uusan dhameyn akhriska suurata Al Mulk ayuu dhulka ku dhacay, isagoo ilaa laga qabto uu waday akhriska qur’aanka, isla goobta ayuuna ku ruux baxay.