AKHRISO:-Mooshinkii Imaaradka Oo Fashilmay.

 

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Baarlamaanka horgeeyay Mooshin ka dhan ah Heshiiska Imaaraatka Carabta iyo Soomaaliland.

Mooshinka ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanku uu sheegay inay qaadayaan marka ay Xukuumaddu faahfaahin ka bixiso.

Hadaba Mooshinkan xaggee ku dambayn karaa?

Heshiiska Imaaraatka iyo Soomaaliland sidee  u dhacay!! dawladii Xassan Sheekh wax maka ogayd, maxay tahay ujeedada uu Imaaraatka Carabtu ka leeyahay Soomaaliya, waxaan Faalladan uga jawaabaynaa su’aalaha kor ku xusan.

Dawlada Imaaraatka carabta ayaa heshiis la gashay maamulka Soomaliland, kaasi oo ay saldhig kaga dhisanayso Berbera, waxaa sido kale lagu wareejiyay Dekeda magaalada oo ay sheegen inay balaadhin ku samaynayaan, waxaana heshiisku uu soo shaacbaxay bishii 1-aad ee sanadkan xilli Soomaaliya ay Doorasho ku jirtay.

Arrintan ayaa abuurtay walaac fara badan, waxaana jira hadal hayn ku saabsan nooca uu heshiisku yahay, kaasi oo aan Xog rasmi ah laga hayn.

Heshiiskan dhexmaray Somaliland iyo Imaaraatiga ayaa waxaa la xaqiijinayaa inay si dhaw ulla socotay Dowlada Feederaalka ee Soomaaliya, isla markaana Xukuumada Abu Dhabi ay arrintan u bandhigtay Villa Soomaaliya oo ogolaaday in Imaaraatiga saldhigan sameysto balse ku xidhay “Shuruudo”.

Warar hoose oo uu helay saadaalnews.net ayaa sheegaya in Xukuumadii Xassan Sheekh Maxamuud ay ka war haysay heshiiska, isla markaana ay ku xidhdhay dawlada Imaaraatka inay kala tashato heshiiska, maadama Soomaaliland ay tahay dhul ka mid ah Soomaaliya, arrintaas oo dawlada Imaaraatka Carabtu ay aqbashay.

Dawladii Xassan Sheekh ayaa qodobada kale ee heshiiska ay ku xidhdhay ayaa waxaa ka mid ahaa ‘’Maalgashiga Dekeda iyo Saldhiga Innaan loo adeegsan Karin wax dhibaato u keenaya Madaxbannaanida Soomaaliya’’.

Xogta uu helay saadaalnews.net ayaa xaqiijinaysa in dawlada Siilaanyo ay aqbashay qodobada Xukuumaddii Xassan Sheekh ay soo bandhigtay, waxaana markii ay meesha ka baxday soo baxay Xogta ah inay heshiiska wax ka ogayd, arrintaas oo si wayn loo xaqiijiyay.

Sababta Soomaaliland ay u aqbashay shuruudaha Xukuumadii Xassan Sheekh ayaa ahaa in Soomaaliland ay u muuqatay inay ka faa’iidasato fursadan Imaaraatka Carabtu uu uso bandhigay.

Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland ayaa si wayn uga soo horjeestay heshiiska, waxyaabaha ay ku diideen ayaa waxaa ka mid ahaa inay u arkeen in heshiisku uu dhibaato ku yahay Madaxbannaanida ay doonayaan, maadama ay qayb ka ahayd dawladii Xassan Sheekh Maxamuud, balse Xukuumadda Siilaanyo ayaa si adag u dhexmarisay Baarlamaanka oo Ansixiyay.

Qorshaha Imaaraatiga iyo Gacanka Cadan

Dowlada Imaaraatiga oo kamid ah xulafada dalalka Khaliijka ee hada dagaalka kula jira Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta oo taageero ka hela dowlada Iran ayaa horey saldhigyo uga sameystay gudaha dalka Yemen gaar ahaan koonfurta iyo nawaaxiga magaalada Cadan halkaasi oo ay ka taageeraan dowlada Cabdulrabi Hadi Mansuur.

Balse qorshaha Saldhiga Berbera ayaa ah mid ku aadan mustaqbalka fog iyo dagaalka u dhaxeeya Khaliijka iyo Iran oo iyaduna dooneysa inay awood ku yeelato gacanka Cadan.

Dowlada Iran oo hada isu diyaarineysa weerar uga imaan kara Maraykanka ayaa horey u sheegtay in hadii wadankeeda wax duulaan ah uga yimaado Maraykanka oo xulafo la ah dalalka Khaliijka inay qaadi doonto talaabo dhibaato ay ka iman karto, taas oo ay isku difaacayso.

Iran ayaa sidoo kale qorsheenaysa inay awooda ku yeelato Gacanka Cadmeed ee Bab Al Mandeb oo ah midka ugu muhiimsan oo ay Maraakiibta maraan.

Waxay Iran sanadihii lasoo dhaafay xidhiidh dhaw la yeelatay dalka Eritera, waxaana xusid muddan in hogaamiyaha Eriteraya Issaq Afawarke uu kamid ahaa madaxda faro ku tiriska ah ee horey sida tooska ah u taageeray Barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

Labadan wadan ayaa sidoo kale ka mideysan cadaawada ay u qabaan dowlada Sucuudiga oo ay xulafo yihiin Imaaraatiga, waxaana jira cabsi laga qabo in labadaasi dal (Eritereya iyo IRAN) ay iska kaashadaan sidii khal khal loo gelin lahaa amniga Gacanka Cadan iyo Bada Cas oo ay maraan inta badan maraakiibta shidaalka Khaliijka u gudbisa dalalka reer Galbeedka, waa hadii uu Maraykanka weeraro wadanka IRAN.

Xukuumada Eritereya ayaa sidoo kale dalkeeda u ogolaatay inay saldhig ka sameysato IRAN, waxaase la yaab ah in sidoo kale ay u ogolaadeen Israel inay iyaduna saldhig ka sameysato. Eritereya ayaa ah dalka kaliya oo ay IRAN iyo Israel oo aad isu neceb ay labaduba saldhiyo ku leeyihiin.

Itoobiya iyo Somaliland.

Dowlada Itoobiya oo iyadu si gaar ah isha ugu heysa deegaanada Somaliland iyo dekkada Berbera ayaa markii hore ku taageersaneyd Imaaraatiga inuu maalgashto Dekkada Berbera iyo waliba inay iska kaashadaan khaliijka cadaadinta Eritereya balse Addis Ababa ayaa fikir kale ku dhashay kadib markii Villa Soomaaliya iyo Xukuumada Siilaanyo ogolaadeen Saldhiga Militari Imaaraatiga doonayo inuu ka sameysto magaalada Berbera.

Macada in Itoobiya ay mustaqbalka fog qorshe militari la damacsan tahay Somaliland balse waxaa hubaal ah inay u aragto Saldhiga dal Carbeed ka sameysto Somaliland mid ka horimaaneysa qorshahooda dheer ee mustaqbalka, taasi oo Itoobiya uga muhiimsan faa’iidooyinka dhanka dhaqaalaha ama ganacsi.

Itoobiya ayaa sidoo kale ka cabsi qabta in dalka Masar ay ku lug leedahay danaha Imaaraatiga ku doortay Berbera, maadaama dowladaha Masar & Sudan iyo Itoobiya ay isku heystaan weli mashruuca biyo xireenka Wabiga Nile oo ay ku xidhan tahay nololasha dalkaaasi Carbeed.

Mooshinka Baarlamaanka.

Mooshinka ay ka keeneen Baarlamaanku heshiiska Berbera ayaa u muuqanaya mid meesha kasi baxaya oo uu ka caga jiidayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ka dib markii uu horkeeni waayay Baarlamaanka.

Waxaa arrintan oo wax laga waydiiyay uu sheegay inuu doonayo inuu fahafaahin ka helo heshiiska nooca uu yahay, si loo helona uu Xukuumadda u yeedhayo.

Waxaa jira Warar hoose oo uu helay saadaalnews.net oo sheegaya in Madaxda ugu saraysay Soomaaliya aysan doonayn in arrinta lagu dhameeyo Mooshin, uuna jiro Is afgarad dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo dawlada Imaaraatka Carabta, lamana yaqaan nooca uu yahay Is afgaradku.

Mooshinka laga keenay heshiiska Dekeda ayaa waxaa la filan karaa inuu meesha ka baxo, waxaana Imaaraatka uu hadda Soomaaliya ka bilaabay inuu caawiyo, kana caawiyo arrimaha gargaarka Bini’aadanimada, gaar ahaana Gurmadka Abaaraha.

Waxaa xusid midan in sido kale shirkad laga leeyahay Imaaraatka ay heshiis la gashay Puntland, taasi oo balaarinaysa Dekeda magaalada Boosaaso, waxaana Imaaraatku uu saamayn xooggan ku yeeshay arrimaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahate, Mooshinka ay keeneen Xildhibaanada oo Ra’iisul Wasaaraha su’aalo laga waydiiyay ayaa u muuqanay mid fashilmay.