Ambassador Ali Said Faqi oo Email usoo diray Looyarka Mahad Abiib.

 

Safiirka Soomaalia u fadhiyaa Eu ee magaalada Brüssel Ali Said Faqi  ayaa oo e-post kusoo sheegay inuu bassbor ama dal ku gal lasiinayo Eng. Mahad Abib hadii uu safarada Soomaaliya ee Brussels yimaado.

Ambassador Ali Said Faqi ayaa Habeenkii Arbacada lasoo dhaafay  epost uu ku xaqiijiyay oo u diray lawyeerada Mahad Abiib.
Safiirku waxuu xaqiijiyay inay dowladaa Soomamlia diyaar uu tahay inay Mahad Abib siisoo bassbor amba dal ku gal.

Waa marki labaad ay dowlada soomaaliya cadeysay inuu Mahad Abib Mahamud muwaadin Soomaaliyeed yahay uuna kasoo jeedin dalka jabuuti, ayey tidhii Elise Nygård oo ah mid kamid ah qareenada Mahad .

Mahad waa inuu safarada yimada sida aanu ugu sameyno baasaboor ayaa lagu yidhi qoralkii losoo diray looyarka.
Sidaan ogsonahay Mahad Abib waxaa uu  ku jiraa xanibaad, dalka kama bixi karo kamana shaqeysan karo dalka Norway.

Suashu Waxaay tahay dowlada Norway ma siin doontaa warqad uu Mahad Ku tago Brussel ee xarunta dalka Belgium si uu basAborkiisa Soomaaliyeed uhelo.

Haday taasi ogolaadaan waxaa cadaanayso inay mahad u aqoonsadeen inuu Soomaali yahay haday Somalinimadiisa aqoonsadaane waxaa kuwaajibaya inay usoo celiyaan Basaborkisa Norwegianka ay horay uga qaateen.