SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo si weyn ubahdilay Itoobiya & Talaabadii Ugu adkeyd oo soo afjari karta Xidhiidhka.

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bahdil xoogan ku sameeyay dowladda Itoobiya xili safiir ka socda Adis Ababa uu Muqdisho soo gaadhay.

Safiirka Itoobiya ay usoo magacowday Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa soo gaadhay magaaladda Muqdisho, waxaase halkii la filayay inuu warqadihiisa aqoonsiga ugeeyo madaxweyne Farmaajo lagu wargeliyay inuu warqadaha la aado Wasiirka arimaha dibadda Yuusuf Garaad.

Arintaas oo muujineysa sida madaxweyne Farmaajo uusan ugu dhaweyn Itoobiya ayaa waxaa laga bixiyay fasiraad kala duwan, maadaama madaxweyne Farmaajo uu safiiradii hore ku casuumayay xafiiskiisa.

Dowladda Itoobiya ayaa aad uga sii xumaaneysa arintan madaxweyne Farmaajo, taas oo mar kale darbi weyn kala dhex dhigeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dhawaan Bogga Twitterka uu ku leeyahay Janaraal Gabre ayuu ku weeraray madaxweyne Farmaajo oo uu ku sheegay inuusan wax xushmad ah siinin Itoobiya.

TIRADA SAFIIR EE UU FARMAAJO WARQADAHA KA GUDOOMAY

1-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa February 18, 2017 warqadaha Safiirnimo ka gudoomay Danjiraha cusub ee dowladda Ingariiska u fadhindoona dalka Soomaaliya David William Concar.

2-Madaxweynaha ayaa April 15, 2017 warqadaha aqoonsi ka gudoomay Safiirka cusub ee Shiinaha Qin Jian.

3-Marso, 08, 2017, Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay safiirka Jarmalka ee dalalka Somalia iyo Kenya Ambassador Jutta Frasch.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad usoo dhaweynaya talaabada madaxweyne Farmaajo uu isaga dheereynayo inuu ku dhaco dabinka Itoobiya ay mudada dheer la damacsaneyd Soomaaliya.