WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MAAMULKA SOOMAALILAND

Warqad furan oo ku socota maamulka somaliland

Sida wararku nagu soo gaadhayaan waxa laga bilaabay gobollo ka mid ah Somaliland oo uu ka mid yahay gobolka selel lana siiyay dadwaynaha mudo gaaban oo 5 maalmood ah in ay ku qaataan karaka cod bixinta ah una doontaan goobihii ay iska diiwaan galiyeen haday u suurtoobi waydo in 5 maalmood ay ku doontaan, in kaararka codbixinta la gayn doono magaalada LUGHAYA oo ay 7
maalmood oo kale laga si bixin doono ciddii ku soo doonan wayda mudadaas gaaban in ayna u suurtoobi doonin in u codeeyo doorashooyinka soo socoda.
Sida aad wada ogtihiin beesha Deegan gobolka sele waxa ay u badantahay reer guuraa oo ku nool nolol aad u adag oo cidna aan gargaar ke helin waxana maanta u sii dheer dhibaatooyinkii hore in ay ku habsadeen abaaro is dabajoog ah oo daku u hayaameen si ay u raasadaan daaq, masu’uuliyiinta maamulkuna way ogyihiin arintaas waxa ay ahayd in ay tix galiyaan duruufaha jira oo waxa la yidh “DURUUFTU XEERKA KA WAYN” ma aheen in dhibatada shacabka haysta in laga faaiidaysto oo lagu ciqaabo ee waxay ahayd in wax lagala qabto . xukuumadaa kulmiyaba waxay dib u dhigeen doorashadii madaxwaynaha iyaga oo baalmaray distuurka doorashooyinka ee u dhigan somaliland sheegtayna duruufo soo cusboonaaday oo aanan garanayn waxa ay yihiin, dadwaynaha abaaraha xun ku dheceenna waa in loo naxaa oo aan laga faa’iidaysan durufaha dabiiciga ah.
Waxa aan wada ogsoonahay in mudada karaka cod bixinta lagu qaadanyo ee dawladu xaddiday in ayna surtoobi kareen in dad ka bada 50000 qof oo reer guuraa ubadan oo waqtiga xaadirka ku jira abaar aad u xun in ay ku qaataan mudadan yar,waxa ay u egtahay markaa in qorshe gaar ah ay wataan dad ka mid ah taliska soomaliland oo aan rabin dadkani in ay codeeyaan sababna looga dhigayo in ay soo doonan waayeen kaarkii codbixinta.
Wali aduunka lagama arkin shacab loo qabtay muddo sidaa u gaaban oo laleeyahay hadaad 7 casho ku qaadan waydaan karaka ma codaynaysaan. Waxa lagu xadgudbayaa xeerasha dawliga ah ee qaramada midoobay u dhigeen doorashooyinka oo sid cad u qeexayay:
-in qof walba xaq u leeyahay in uu ka qayb galo doorashada dalkiisa xorna u yahay qofka uu dooranayo
– Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay helitaanka adeegga dadwynaha si siman oo cadaalad ku jirto,oo aan la carqaladayn oo lagu dhibin sida uu u codaynayaan.
waxa aan ka codsanaynaa maamulka Somaliland :
1-in mudada kaarqaadasha la kordhiyo oo la siiyo muwadiininta muddoo ku filan oo ay ku qaadan karan karaka codbixinta.
2-in markay dhamaanto mudada loo qabtay kaarasha la geeyo xaruumo gaar ah oo qof walba ka doonan karo marka uu haleelo oo aan ladhabin dadwaynaha la liita duruufaha kala duwan ee maciishad darradu kaw ka tahay taasina waa xuquuqaha ugu yare e loo fidin karo dawaynaha waana xaqqa ay sugee xeerasha dawliga ah ee u dhiga doorashooyinka iyo wixii la halmaala. Aduunka laguma arag meel 7 casho kaar qadasho lagu xadido oo la yidhaahdo ninkii mudadaa ku qaadan waaya diiwaanka walaga tirtiraya.

Gunaandkii waxan dawlda Somaliland ka codsanaynnaa in ay ka fiirsadaan qaraaradan degdega ah ee dadka sabab looga dhigayo si looga xayiro doorashadasoo socota iyaga oo horay looga xayiray goobo ka mid ah dhulkooda.

ALLAA MAHAD LEH