Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka oo saaka Booqdey Magaalada Muqdisho

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda Jarmalka Sigmar Gabriel ayaa saaka soo booqday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo uu ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Booqashada wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka oo aheyd mid aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda dowladda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu haatan kulan la leeyahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Jarmalka ayaa ka mid ah dowladaha midowga yurub ee ugu awooda badan, kuwaasoo taageera howl galka nabad ilaalinta AMISOM, oo dhaqaale fara badna ku bixiyaan.