Damaca Qaawan ee Qoomiyadda Oromodda,iyo dareen la’aanta reer Sitti.

 

Ilaa iyo markii waxa iska bedeleen nidamakii mudada dheer soo jiray ee ahaa
morongiga  ee Itoobiya ku dhaqmi jirtay,ee la hirgeliyey nidamkan  ah in
qoomiyad kastaba yeelato maamul-goboleed,waxa soo ifbaxayay in Qoomiyadda
Oromadu ay noqotay far  dheraatay. Waxa ay dejisatay khariirado,khiyaali ah oo ay
ku muujinayaan inay iyagu leeyihiin dhulka qabiilka Ciise degan yahay,horayna
degaano Ciisuhu degan yahay loo siiyay.Waxaa intas dheer,weeraro  gacanka-hal
ah oo ay ku hayaan qabbiilka Ciisha.
Ma jeclin inay dagaalo ka dhex dhacaan,ummadda muslimiinta ah,hase yeeshee,
waa inaan loo dhulqaadan khariirado khiyaali ah oo looga dan leeyahay in dhul Ciise
leeyhay  lagu qaato Gabagabadii iyo gunnnaanadkii,
xumaata haddaan la daynin,
diriirata haddan la joojin,
Dadar Riyaha lagu maali maayo,
waa digniin horay loo yidhi.
 
.
Alla mahadle
Qore:Daljire