KHRISO: Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaaraha Ethiopia oo Heshiis Xasaasi ah ku gaaray Adis Ababa (Sawirro)

Madaxda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u soo saaray War Murtiyeed la xiriira booqasho rasmi ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmajo maanta ku tagay magaalada Addis Ababa.

War Murtiyeedka ayaa lagu sheegay in ujeedada booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Itoobiya ay ahayd mid lagu xoojinayay xiriirka u dhexeeya labada dal, iyadoo labada hogaamiye ay yeesheen wada hadalo miro dhalay ayna labada dhinac isku aragti ka noqdeen arrimaha caalamka.

“Labada hogaamiye waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo ku wajahan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyagoo isku raacay in labada dhinacba ay raali ka yihiin xiriirkooda ayna sii adkeynayaan.”ayaa lagu yiri warmurtiyeedkan oo goor dhow soo baxay.

 

Qodobada Kasoo baxay Shirka Waxaa kamid ah

1- Booqashada ayaa aheyd in la xoojiyo xariirka udhaxeeya hogaanka cusub ee Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya iyo in labada dal ay yeeshaan xariir toos ah, iyadadoo wadahadalka labada dhinac uu bilowday kadib booqashadii Ra’isul wasaaraha Itoobiya ee Muqdisho iyo kulankii ay isku arkeen Nairobi ee arimaha qaxootiga

2- In Labada hoggaamiye ay isku raaceen in la Abuuran xiriir dhow oo ku salaysan mabaadi’da deris-wanaagga, is xushmayn iyo horumarinta danaha labada dhinac.

3 – Labada Masuul ayaa dhanka kale isku raacay in la xaqiijiyo in labada dal ay u baahan yihiin in ay iskaashi dhaqaale oo xoog leh sameystaan. Iyadoo la raacayo baahida loo qabo in la dhiiri geliyo dhaqdhaqaaqa xorta ah ee ganacsiga  iyo adeegyada u dhexeeya shacabka labada dal.

4- In Ra’isul wasaaraha Itoobiya H.E. Hailemariam Dessalegn uu ugu hambalyeeyay  H.E. Madaxweyne Mohamed Abdullahi Mohamed  guulishii uu dhawaan sida cajiibka  ah ugu noqday uga soo hooyay doorashadii dhacday isla markaana uu si nabad ah kula wareegay xafisikiisa.

5- Ra’isul wasaaraha Itoobiya ayaa dhanka kale sheegay iney ka go’an tahay iney la dagaalanka AlShabaab iyo ka qeyb qaadashada amaanka Soomaaliya.

6- Labada hogaamiye waxa ay muujiyeen   walaacooda ku saabsan soo laabashada burcad badeedda ee Badweynta Hindiya iyo iney beesha caalamka ay ku dadaalaan sidii loo laba jibaari lahaa in lala dagaalamo kooxahaas, sidoo kalana dowladda Soomaaliya laga taageero  sharciga xakameynta  falal dambiyeedyada ka dhaca xeebaha.

7- Labada Hogaamiye waxaa ay sheegeen sida ay uga xun yihiin abaaraha ka jira Soomaaliya iyo Itoobiya sidoo kalana ay ku baaqayaan in la badiyo gar-gaarka.

8- Labada Masuul waxaa ay si gooni ah uga hadleen waxa laga filan karo shirka magaaladda London ee arimaha Soomaaliya, kaas oo ay dowladaha wadamada IGAD ka qeyb gali doonaan.

Ugu dambeyn, madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay dowladda Itoobiya ugu soo dhaweysay magaaladda Adis Ababa, waxaana uu sheegay inuu muhiimada saari doono sidii xariirka labada dal uu unoqon lahaa mid guuleysta.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya ayaa ugu dambeyn dhankiisa sheegay inuu uga mahadcelinayo Madaxweyne Farmaajo sida uu u aqbalay casuumaada uu ku yimid magaaladda Adis Ababa.

Kulanka labada dhinac ayaa kusoo dhamaaday guul iyadoo madaxweyne Farmaajo uu soo gaba gabeynayo socdaalkii uu ku tagay Itoobiya