Arrin layaab badan oo ka dhacaday Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Markii xilka laga qaaday

 

War cusub ayaa laga helayaa Xafiiska Hantidhowraha Qaranka Dr.Nuur Faarax Jimacaale oo markii xilka laga qaaday oo ay sameyeen Shaqaalaha Xafiiskiisa.

Illo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in Shaqaalaha Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ay sameysteen Xafalad weyn oo shaqaalaha ugu dabaaldegeen Xilka qaadistiisa.

Shaqaalaha ayaa la sheegay in ay xafiiska ku qasheen Dhowr neef oo Adhi ah kuwaas oo Dowlada uga Mahad celiyay Xilka qaadista Dr’Nuur Faarax Jimacaale.

Sababta ugu weyn ee Xafalada ay u sameysteen Shaqaalaha Xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka Markii xilka laga qaaday Masuulkoodii ugu sareeyay ayaa waxaa lagu sheegayin ay ku dhib qabeen.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha ayaa inoo xaqiijiyay in Dr.Nuur Faarax in uu yahay shaqsi aan la macaamilki karin shaqaalaha islamarkaan uu aad u kulul yahay dabeecad ahaan.

isagoona Horey xafiiska uga raacdeeyay ilaa iyo 12 qof oo shaqaale ka ahaa xafiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka kadib markii ay ka diideen Amaro aan sharci aheyn oo uu ku soo rogay.

Intii u dhaxeyasay sanadihii 2015 ilaa 2016 ayaa 40 ka mid ah shaqaalaha Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka waxaa ay Madaxweynihii Xiligaas Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ay u gudbiyeen Dacawad ka dhan aheyd Xeer ilaaliyahay inkastoo aan wax laga qaban.

qayb ka mid ah Cabadashii ay horey Shaqaalaha ugudbiyeen