DEG DEG: Doorashadii Dalka Fransiiska oo lasoo gaba gabeeyay iyo Marine le pen oo laga guuleystay.

 

Waxaa Goordhow lasoo gaba gabeeyay doorashadii madaxweynaha ee dalka France taas oo ay ku tartamayeen musharaxiinta kala ah Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen.

Wiilka da’da yar ee ka socda xibsiga dhexe ee France ayaa helay codadkii ugu badnaa ee  la tiriyay isagoo garaacay haweeneyda Muslimka necen ee Marine Le Pen

39-jirkaan ayaa helay ku dhawaad kala bar codadkii la tiriyay taas oo ka dhigeysa inuu guul weyn ka soo hooyay doorashadiii maanta dhacday.

Emmanuel Macron ayaa helay 65.5 bolkiiba halka haweeneyda la tartameysay ee Marine Le Pen ay heshay 34.5 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

Macron, oo ah 39, sano jir ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da yaraa ee ku guuleysta doorashada France, sidoo kale waxaa uu noqonayaa shaqsi ka yaabsaday dadka dalkaas maadaama uu siyaasada ku jiro kaliya sedex sano.

Doorashadan a dhacday France ayaa muujisay sida ay dadka dalkaas uga soo horjeedaan xisbiga midigta fog oo kasoo horjeeda qaxootiga iyo muslimiinta.

Sidoo kale xisbigaas ayaa si weyn ugu ololeynayay in France ay ka baxdo midowga Yurub, laakiin waa laga guuleystay