Dowladda Soomaaliya oo Jahwareer ka qaaday dalab lama filaan ah oo Imaaraadka iyo Turkiga uga yimid

 

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku jahwareersan sidii ay ka yeeli laheyd isqab qabsiga ka dhex bilowday dowladaha Turkey iyo Imaaradka kuwaas oo mashruucyo waa weyn ka wada Soomaaliya.

Warar laga helayo xubno katirsan dowladda ayaa sheegaya in dowlada Imaaraadka Carabka oo kamid ah Dowladaha galaangalka Siyaasadeed ku leh Somalia, ay dadaal weyn ku bixineyso in lagu wareejiyo dekadda Muqdisho

Qorshaha Imaaraadka ayaa waxaa garab ku siinaya xubno katirsan dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin wasiiro iyo xildhibaano

Wararka ayaa intaas ku daraya in xubnaha dowladda ee arintaas ka shaqeynaya ay ubadan yihiin masuuliyiintii dowladii hore ee Xasan Sh Maxamuud kuwaas oo taageero buuxa ka heli jiray dowladda Imaaraada

Imaaraadka ayaa haatan ku cadaadinaya dowlada dhexe in lagu wareejiyo dekadda Muqdisho halkaas oo ay maamulaan dowladda Turkiga

Arinta  ay Imaaraadka ku dooneyso la wareegida Dekadda magaalada Muqdisho, ayaa waxaa sidoo kale, April 11, 2017 kawada hadlay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Isu-taga Imaraadka carabta, Sheekh Mohamed bin Zaayed Ala Nahyan.

Sheekh Mohamed bin Zaayed Ala Nahyan, ayaa dhigiisa Somalia usoo bandhigay suuragalnimada in Imaaraadka lagu wareejiyo maamulka Dekadda Muqdisho, hase yeeshee ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Farmaajo uu ka gaabsaday arrinkaasi maadaama uu xiriir wanaagsan iminka kala dhexeeyo dowlada Turkiga ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Erdogan.

Dowlada Imaaraadka ayaa tan iyo markii uu xilka hayay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ku hamineysay in lagu wareejiyo dhammaan mashaariicda ay Turkiga ka wado Somalia, waxaana xusid mudan in shuruudaha ay Imaaraadka ku taageereysay Xasan Sheekh uu kamid ahaa in lagu wareejin doono Mashaariicda haddii uu soo laabto.

Madaxda dowladda ayaanan jawaab rasmi ah ka qaadan Karin damaca Imaaraadka ee ah in Turkey laga soo wareejiyo dekadda Muqdisho, laakiin waxaa soconaya kulamadii ugu dambeeyay ee arimahaas looga hadlayo.