Cabashada reer Salal iyo cabudhinta MSL ku hayo, halkay ku sal leedahay.

Waxaa yaableh,Waxaa markasta oo maamulka Hargeysa ku dhaqaaqo,uu u noqda,wax xadgudub ku
ah gobolka Salal.,oo shacabkuna uga qayliyaan. Gobolka Salal,wuxuu noqday xaywaankii
daawooyinka  marka hore lagu tijaabiyo intaan dadka lagu daaweyn.
Bal hadda aan  soo qaadano.arrintan qadashada kaararka codbixinta oo loo qabtay inay dadku
shan maalmood guhood ku qataan,iyada oo si fiican loo ogyahay, waxyaabaha ka jira gobolka.
ee ah duurfaaha u gaarka gobolka wakhtigan,baaxada gobolka, waddooyin xumaanta,iyo
waxyaaba kale.Goboladda kale ee aysan ka jirin duurfahas laguma  tijaabin arrintan.
Midda kale,waxaan arkayna dad meeshii ay iska diwaangeliyeen u doontay inay ka
qaatan kaarka.oo lagu yidhi u ddono meeshas klale.
Haddii ay sidas wax u socdan, boqolkiiba intee heli karta kaarkoodii oo ka qaybgeli karta
codbixinta?,sideebayse ku dhici karta in sidas wax iskugu qasmaan,waxaase kaliya la odhan
karaa,waa ku talagal in dadka la jaahwareeriyo,si ay u soo baxdo,wax dad gaarihii ku farxaan
marka la gaadhoi doorashadda.
Arrinta ku saabsan,dhulkii xooluhu daqayeen,oo laga dhigtay ceelal cusbadda laga faqo,iyo
ciidda laga guro dixdda Bariisle,ee dad aan gobolka ka soo jeedin ka hirqadeen,waxa ay ka
midyihiin qorshayaal idinka qarsoon oo dad gaarihii wataan.
Fahan wanaagsan
 qore:Daljir.