Midowga Yurub iyo Dowladaha IGAD oo qaadacay ka qeyb galka Shirka London (SABABTA)

 

Wadamada IGAD iyo Kuwa Yurub ee taageerada ugu badan siiya dowladda Soomaaliya ayaa si weyn isugu khilaafsan shirweynaha arimaha Soomaaliya looga hadlayo ee 11-ka bishan ka dhici doona magaaladda London

Wadamada ugu badan ee saameynta ku leh IGAD ayaan ka qeyb gali doonin shirka London, iyagoo shaki geliyay danaha ay dowladda Ingiriiska ka leedahay shirkaas.

Sida ay ku warameyso Wakaaladda Wararka Turkey ee Anadol, wadamada Jabuuti, Uganda iyo Sudan ayaanan ka qeyb gali doonin Shirkaas, sababo la xariira in shir looga hadlayo arimaha gobolka lagu qabto Ingiriiska ay tahay mid ay qaadan karaan.

Wadamadaas ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan gaar ahaan Uganda iyo dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Laakiin madaxda dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa la filayaa iney ka qeyb galaan shirkaas taas oo cadeynesa iney doonayaan iney ku lug lahaadaan arimaha Soomaaliya loo go’aaminayo

Dhanka kale, midowga Yurub oo taageero buuxa siiya hay;adaha Dowlada Soomaalliya iyo ciidamada Amisom ayaa qaadacay ka qeyb galka kulankaas.

Diblomaasiyiin reer Yurub ah oo ay soo xigatay wakaalada Anadol ayaa sheegay in Jarmalka iyo dalal ka tirsan Midowga Yurub ay ka ka gows qabsadeen shirka London, isla markaana ay arrintaas gaarsiiyeen dowladda Soomaaliya.

Waxaa dowladda Soomaaliya lagu eedeeyay inay si degdeg u aqbashay shirka London oo ajendayaasha looga hadlayo aanay ahayn kuwo cad oo la fahmi karo, shirkuna yahay Ingiriisku ku doonayo inuu saameynta ugu weyn ku yeesho xaaladda Soomaaliya.

Go’aankan kasoo baxay qaar kamid ah wadamada IGAD iyo kuwa Yurub ayaa guuldaro u ah dowladaha Ingiriiska iyo Soomaaliya ee shirkaas sida wada jirka ah u qabanaya.