Hal walba Meesha ay is Dhigto Ayaa Lagu Qashaa Maanta Soomaalia waa Hal La Qalan

 

Waa halku-dhega ay soomaalidu isticimaasho,oo loola jeedo markay arkaan,qof arrin u wax
 ka qaban lahaa ka baaqsaday,kadibna ku xumaatay isagii. Waxaa sidas ka dhigan arrimaha
Soomaalia ee lagaga arrinsanayo shirka bishan 11keeda  ka furmaya  Magaaladda London ee
Caasimadda UK-
Shirkas,sida la sheegayo,dalal fara badan,iyo ururo  oo lagu casuumay shirka ayaa ku gacan-
saydhay,kadib markay ku qanci waayeen Ajandhaha shirka. Shirkani waa shir dawladda UK
dano  gaar ah ka leedahay,si  ay galangalo xoogle ugu yeelato Soomaalia,gaar ahaan,iyada oo
UK danaynayso dhinaca shidaal baadhista.
Dawladda UK shirka waxaa kale oo ku casuuntay madaxda dalalka jaarka ah sida,Kenya iyo
toobiya oo dhamaantood ka tirsan urur goboleedka IGAD, inkasta oo dalalka kale  ee IGAD
ka tirsan ee ay mid yihhin Sudan iyo Djibouti,ay ka cudurdaarteen ka qaybgalka shirkas. Shirku
wuxuu faa’iido u yeelan kara Soomaalia,haddii,kaalmo dhaqaale loogu ururinayo Soomaalia ,si
dib loogu dhiso Soomaalia,lagana dhaafo daymanka faraha badan ee lagu leeyahay. Arrinta kale ee
laisla dhexmarayo ee ah in cunaqataynta hubka laga qaadayo Soomaalia, ma’ah mid la hubo,hase
yeeshee, waa labo aan isqaban karin, in ciidan qaran la dhiso,cunaqabtaynta hubkuna si socdo.
balse la maqli doono,wixii shirka kasoo baxa.
Alla ahadle
Qore:Daljir