Dawlada Jarmalka oo ka caga-jiiday in ay shirka Soomaalida uga socda magaalada ka qayb gasho

 

Dowladda Jarmalka ayaa diidday iney ka qeybgasho shirka Soomaalida London, waxayna kamid noqotay dalal shalay aan si hoose u sheegnay inaanay shirkaasi ka qeybgali doonin.

Jarmalka ayaa ula jeedada dhabta ah  ee ay shirkaan u diideyso ku sheegtay in aysan aqoonsaneyn wax ay dowladda Ingiriiska waddo, sidoo kalena isaga un u gaar tahay.

Waxaa loo maleynayaa in xurgufta  siyaasadeed ee Midowga Yurub ay salka ku hayso diidmada Jarmalka ee Shirka London, maadaama ay Ingiriiska isku raaceen in Midowgaasi ay ka baxaan.

Arrintaan ayaa siyaasada Soomaalida ku ah waran cusub oo la mid ah kii Ururka Igad oo wadamo siyaasado iyaga u gaar leh oo is wada diidan ku salayn jiray Xaalada Soomaaliya.

Siday doontaba ha ahaatee Dalalka Midowga Yurub waxaa looga baahan yahay Kaalmo degdeg ah oo Soomaaliya, sidoo kalena waxaamarkaan laga doonayaa fulinta dhammaan balanqaadayada ay sameeyaan.