Farmaajo Anaga waan midownay idinkana midooba +VIDEO+SAWIRRO

 

 

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbad dareen dheer ximbaarsan ka jeediyay xafladii Jaaliyadda UK iyo Madaxda DFS Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan halkan idin kaga cadeeyo Soomaali Waa midowday,shacabkeenu waa midoobeen, qabiil iyo qurunkiisana waan tuurnay” ayuu hadalkiisa ku bilaabay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si dheer uga hadlay minimada Soomaaliya oo uu tilmaamay iney tahay tan kaliya ee lagu soo celin karo Soomaaliya oo amaan ah kana baxda dhibaatada mudada dheer.

“Siyaasad aanan qeybsaneyn, talo wadaag ah ayaan balan idinkaga qaadnay caawa”ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Soomaaliya ay haatan mideysan tahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in qabiilka uu yahay kan cuuryaamiyay Soomaaliya isagoo yiri “Siyaasiga xun hadaad aragtaan inuu wax maroorinayo oo qalad sameynayo oo qabiilka soo celinayo, qabta yaan la hor ordin 22 sano ayaan qabyaalad ku jirnay, anagoo walaalo ah ayayna Afrikaan nakala waardiyaynayaan ceebna waaye midaas”.